Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Train crashes in north west Sydney, causing multiple injuries.

Train crashes in north west Sydney, causing multiple injuries.

The scene at Richmond Train Station in Sydney, Monday, January 22, 2018.
The scene at Richmond Train Station in Sydney, Monday, January 22, 2018. Source: AAP

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhaawacmay shil tareen, oo ka dhacay magaalada Sydney abaarihii 10:00 arooryo ee saaka .

Shilkan ayaa ka dhacay goobta Richmond Station, oo Sydney waqooyi-galbeedkeeda ku taala.

Sababta Shilkan ayaa lagu sheegay, in boostaajada Richmond, oo ah dhamaadka tareenku uu ku istaago, ayaa tareenku uu ku dhuftay darbi adkaa oo ahaa dhamaadka khadka, halkaas oo xawaaraha daraadii dadku ay dhinacyada iyo daaqadaha tareenka  ku dhaceen, sidaasna waxyeela ay ooga soo gaadhay.

Adeegyada Gurmadka degdega, oo diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopters) ay ka mid ahaayeen, ayaa iyagu goobta si dedega ku tagay, iya sidoo kale bilayska, iyagoo caawiyeen dadkii dhaawaca ahaa.

baadhitaano lagu samaynayo sababihii keenay shilkan ayaa iyagu biloowday, iyadoo sidoo kale wadaha tareenka la marsiiyay baadhitaanka hordhaca ah ee lagaga baadhayay maan-dooriyaasha.

 


1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now