Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Trolley man fund raising reaches 100 thousand dollars

Michael Rogers, 46, attempted to help police officers stop Hassan Khalif Shire Ali during Friday’s Bourke Street terror attack.
Source: 7 news

Olole dhaqaale loogu aruurinayay nin darbi jiif ayaa gaaray in ka badan 100 kun oo doolar.

Ninkaan oo darbi jiif ka ah magaalada melbourne dhexdeeda ayaa goob joog u ahaa dhacdadii Jimcadii oo nin Somali ahaa uu weerar mindi ah ka gaystay Bourke St.

Ninkan darbi jiifka oo watay Trolley ayaa isku dayay inuu weerarka wax ka joojiyo.

Michael Rogers, ayaa waxaa baraha bulshada looga bixiyay  "Trolley man" ama ninkii Trolleyga watay

Mar ay warbaahinta wax ka weydiisay Mr Rogers oo 46 sano jir ah sida uu u wajahay ninka: waxa uu yiri, " waxa aan ku tuuray Trolle-ga kadibna waan qabtay inkastoo aysan ii suura galin in aan dhulka dhigo. "

Bog lagu magacaabo GoFundMe ayaa lacagta u aruurinaysa Mr Rogers.

Booliska Victoria ayaa sheegay in kastoo ninkan darbijiifka ah lagu tilmaami karo geesi maadaama uu isku dayay inuu difaaco booliska iyo dadweynaha haddana shacabka kulama talinayno inay isku dayaan inay howsha booliska faraha la galaan maadaama boolisku yahay dad u tababaran howshaas.

Lacagtan ayaa ka caawindoonta ninkan inuu helo meel uu dego iyo inay noloshiisa wax ka badasho.


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now