Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa yidhi Qassem Suleimani waxa uu masuul ka ahaa dilka tira badan oo maraykana iyo dad kaleba, waxeyna aheyd in la dilo labaatan sano kahor.
Trump ayaa dilka Suleimani, kala kulmay su’aala warbaahintu u jeedisay, si gaara sababtuu u amray dilka Gen. Qassem Suleimani, iyo waxa uu noqon karo dagaal uu sheegay Trump in uu Suleimani lamaaganaa Maraykanka.
Balse Trump ayaan tafaasiil ka bixinin dagaalka uu sheegay in uu soo qaadayay kahor inta aan la dilin Suleimani.
Halka uu madaxweyne Trump, sheegayo in uu Suleimani dagaal la maaganaa maraykanka inta aan la dilin kahor, ayaa wasiirka difaaca ee Marayknaka Mark Esper mar uu warbaahinta la hadlayay Axadii, waxa uu sheegay in uusan haynin wax xogga oo tusaysa in Iiran ay weeraraysay afar safaaradood oo maraykana, tan oo noqonaysa kala hadal ay kala hadlayaan madaxweyne Trump iyo wasiirka difaaca ee maraykanka Esper.
Dilka sargaalkna sare ee Iiraaniga ah ayaa abuuray xiisad colaadeed oo kadhex tolantay Maraykanka iyo Iraan, balse hada u muuqata in haatan xaaladu ay yara degtay, inkastoo ayna jirin wax heshiisa ama is afgarada oo dhex maray labada dhinac kadib dilkaa srgaalka, iyo weeraradii gantaalada ee ay Iiraan la beegsatay labo fadhiisimo oo ciidamada Maraykanku ay kaga suganyihiin dalka Ciraaq.