Turkey agrees to pause military operation.

Turkey agrees to pause its military operation into the country for five days.

Turkey

File image of Turkish soldiers preparing for a military operation at the Syrian border as part of their offensive in Karkamis district of Gaziantep, Source: EPA

Hawlgalka uu turkigu ku qaaday waqooyiga Syriya ayaa isagu biloowday 09 bisha October 2019,  isagoo haatan madaxa galaiyay todobaadkii labaad.

Weerarkan ayaa Turkigu ku dhaqaaqay kadib markii ay Maraykanku ka baxeen xuduudka waqooyiga Bari ee Syria, halkaas oo laga maamulayay isbahaysiga ladagaalanka ISIS ka, iyadoo Xoogaga Kurdidu ee la jeelka ahaa Maraykanka ay isla aagaas kala hawlgalayeen.

Turkiga ayaa mudaba indhaha ku hayay Xoogagan Kurdida ee xuduudkiisa jooga, isagoo marar badan muujiyay dareenka uu ka qabo, balse dhankooda Maraykanka ayaa hubaala bixinayay in ayna wax khatara ku haynin amaanka wadanka Turkiga.

Dareenka Turkiga ayaa waxaa uu daarranaa in xoogagaan kurdida, oo maraykanku uu aad u hubeeyay, khibrada badana ka qaatay mudadii dheereyd ee ay qaybta ka ahaayeen la dagaalanka argagixisada, ayaa  Turkiga waxaa uu isha ku hayay saamaynta ay mustaqbalka yeelan doonaan, isagoo u aqoonsan in ay yihiin argagixiso.

Kabixitaankii Maraykanka ayaa biloow u ahaa hawlgalka Turkiga ee ka dhanka ah Xoogaga Dimuqraadiga ee Kurdida Suuriya, iyadoo la og yahay in Turkiga gudihiisa uu ka jiro Dhaqdhaqaaqa PKK ee kurdiyiinta ee uu hogaanka u ahaan jiray Cabdalla Oojalaan, oo isagu Turkiga u xidhan, dhaqdhaqaaqaas oo mamnuuc ka aha wadanka Turkiga.

Hawlgalkan Ayaan dareen ka dhaliyay dhinacya badan , iyadoo dhanka Maraykanka Madaxweyne Donald Trump, uu daleeceeyn xoogan uu kala kulmay, iyadoo aqalka baarlamaanka maraykanka codbixin ay ka yeesheen arintaas si aqlabiyada ay ku canbaareeyeen go’aanka ka bixida , ooguna yeedheen in aqlaka Cad oo madaxweyna Donald Trump uu hogaaminayo in ay la yimaadaan qorshe si kama danbaysa loogu jabinayo ISIS.

Daleeceeyntaas ayaa madaxweyne Trump ku qasabtay in uu wafdi heer sare ku socdo u diro Turkiga, halkaas oo ay u anbabexeen Kuxigaha Madaxweynaha Mike Pence iyo Xoghayaha Arimaha dibada Mike Pompeo.

Wafdigan ayaa markii hore waxaa dhagahooda ku dhacay in madaxweynaha Turkigu Rajab Tayib Erdogan, uusan la kulmaynin, balse markii danbe hubsaday aqbalida kulankooda, balse wararka qaar soo baxaya ayaa sheegaya in xoghayaha arimaha dibada ee US uusan ka qayb galin kulankaas, taas oo lagu micneeyay in madaxweynaha Turkigu uu diiday la kulankiissa, sababa la xidhiidha hadala Pompeo uu jeediyay oo ka dhan ahaa Turkiga.

Kulanka oo afar saacadood qaatay, ayaa natiijadiisu waxa ay noqotay in dhanka Turkigu ay ogolaadeen hakinta weerarada hawlgalkoodii mudo shan bari ah, taas oo fursad lagu siinayo xoogaga Kurdida in ay ka baxaan aagagaas, taas oo sida heshiisku qorayo lagu wado in aagagaas laga samaynayo goob nabada oo ka caagan ciidamada , kana bilaabanaysa bariga webiga Furaat ilaa laga gaadho xadka ciraaq, ahna dhul dheerarkiisu yahay 440 Km balac ahaana gaadhaya 32 Km, taasoo Turkigu qorshaynayo in uu dajiyo qoxootiga Syria ee wadankiisa ku sugan oo gaadhaya wax ka badan 3.6 million, iyadoo gacan ku haynteedana ay si buuxda Turkigu u yeelan doono.

Dhanka kale,  Maraykanka ayaa dhankiisa balan qaaday in uu qaadayo xayiraadihii uu Turkiga kusoo rogey qaar ka mida hay’adihiisa, waase kadib marka ay xabad istaajin samayso, isagoo sidoo kalena Maraykanku uu cadeeyay in uusan wax ciidana ku yeelan doonin aagagaas xasaradu ka socoto, iyadoo sidoo kalena heshiiska ay ka mid tahay In hubabka culculus in laga qaada xoogaga Kurdida, iyadoo la tirtirayo dhamaan saldhigyadii ay ku lahaayeen xoogaga kurdiyiintu aagaga ku aadan Xuduuda Turkiga. 


Share
3 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand