Turkish Sources: Saudi Journalist Khashoggi killed in Saudi Consulate

Saudi Journalist Jamaal Khashogi

O Σαουδάραβας δημοσιογράφος, Τζαμάλ Κασόγκι (φώτο αρχείου) Source: AP

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu shaqsiyan u galayo kayska suxufi Sacuudi ah Jamal Khashogi oo mudo asbuucii la la'aa.

Ilo laga helayo Turkiga ayaa sheegaya in Mr Khashoggi lagu dilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbull asbuucii lasoo dhaafay iyadoo taa lagu macneeyay beegsasho ulakac ah oo lagu hayo dadka dhaliilsan madaxda boqortooyada Sacuudiga.

Mr Erdogan ayaa sheegay in maamulayaasha dalkiisu a eegayaan dhamaan kamerooyinka ku xiran garoomada diyaaradaha

Suxufigan u dhashay dalka Sacuudiga ayaa qoray maqaalo lagu dhaliilayo boqortooyada.

Website uu gaar u leeyahay Jamal Khashoggi ayaa lagu qoray in la xiray laakiin faahfahin dheeraad ah lagama bixin xarigiisa.

Taageerayaasha Mr Kashoggi ayaa maqnaanshaha ninkan inuu qayb ka yahay xariga ganacsadayaal, siyaasiyiin iyo dad u dooda xaquuqul binaadanka intii talada uu qabtay dhaxal sugaha Sacuudiga mohammada bin Salman.

Qoraal kaoo baxay Sacuudi Carabiya ayaa lagu dafiray inay wax qalad ahaan gashay dawlada Sacuudigu iyadoo qoraalkaas lagu sheegay in Mr Khashoggi uu markiiba ka tagay qunsuliyada inkastoo wararka qaar sheegayaan in xaaskiisu ay dibada qunsuliyada ku sugaysay saacado ka hor inta aysan shaacin in ninkeedii la la'yahay.


Share
1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand