Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Uber driver accused of Rape

an Uber car
Uber drivers want to ditch upfront pricing and be paid for the actual time and distance travelled. (AAP) Source: AAP

Darawal Uber ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar yar kadib markuu ku dejiyay saaxiibadeed xaafadaha xeebaha bariga Sydney.

Gabdhan la sheegay in la kufsaday oo 17 sano jir ah iyo labo saaxiibadeed ah ayaa Uber wadaraacay.

Booliska NSW ayaa sheegay in darawalka oo 37 jir ah uu ka qaaday rakaabkan magaalada bartameedaha meel ah 1.30 subixii Axadda.

Wuxuuna saaxiibadeed ku dejiyay xaafada Bondi wuxuuna ulasii gudbay gabdhan  dhanka woqooyiga Bondi oo ay ahayd inuu iyadana ku dejiyo.

Booliska ayaa sheegay in halkaas uu gabadhan ku faraxumeeyay iyadoo gaariga wali ku jirta.

Baarittaan ayaa la bilaabay markii booliska lagusoo wargaliyay arintan.

Darawalkii Uberka ayaa lasoo xiray Isniintii waxaana lagusoo oogay dacwo ah inuu u galmooday gabdhan iyadoo aan raali ka ahayn.

Waxaa darawalkan lagu siidaayay damaanad sharuudo ku xiran yihiin isagoo la filayo inuu hortago maxkamada Liverpool bisha October 25.

 


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now