Uber drivers Strike

Darawalada Uber oo shaqo joojin sameeyay

Travellers wait at the new designated pick-up zone for Uber at Tullamarine Airport in Melbourne.

Travellers wait at the new designated pick-up zone for Uber at Tullamarine Airport in Melbourne. Source: AAP

Kumanaan darawalada Uber oo ku sugan dhamaan magaalooyinka waaweyn ee Australia ayaan qaadin rakaab subixii Isniinta.

Darawaladan Uber ee Melbourne, Sydney, Brisbane, Perth and Hobart ayaa xiray Appka intii u dhexaysay 7am to 9:30am iyagoo ka cabanayay lacagta yar ee laga helo adeegyada Uber sida nooca UberPool oo ah mid rakaab kala duwan hal mar lasyku qaado.

Waxayna ku booriyeen Uber inay ku fuliso dalabaadkooda mudo 10 casho haddii kale ay markale shaqo joojin kale samayndoonaan.

Darawalada ay ka dalbanaya Uber inay joojiso in qarashaka rakaabku bixinayo noqdo mid hore loosii qoondeeyay taas badalkeedana lagu dalaco rakaabka inta kiiloomitir oo ay gooyeen iyo waqtiga safarku qaatay.

Ururka shaqaalaha ayaa aaminsan in tani u ogolaanayso in darawalada aysan qasaaro kasoo gaarin daruufo aan lagu talo galin sida wadooyin xiran ama taraafiga oo badan.

Waxyaalaha kale ee darwaladu dalbanayaan ayaa waxaa ka mid ah in la kordhiyo lacagta adeega UberX oo loogu daro ugu yaraan 15 ilaa 20 % darawalada gala adeega Uberpool.

 


Share
1 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand