Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa manta oo Khamiisa 21/12/2017, qaban doona kulan degdega oo loogu codaynayo magaalada qudus, kaasoo ay soo gudbiyeen labada wadan Turkiga iyo wadanka Yemen.
Ujeedada qorshaha ayaa waxa uu yahay in Golaha Loodhanyahay ee Qaramada Midoobay, in taageero looga helo ka hor taga iyo diidada go’aankii maraykanku uu oogu aqoonsaday magaalada Qudus, in ay tahay caasimada Israel.
Kulankan ayaa imanaya, maalma kadib uun, markii Golaha Amaanku uu kulan u qabtay arinta Qudus, isaga oo xubnihii goluhu - marka laga reebo Maraykanka - ay dhamaan taageereen qorshaha loo codaynayay, kaasoo u aqoonsanayay go’aankii Maraykanku ay Qudus ka qaateen in uu yahay mid aan waxba ka jirin, isagoo go’aanku uu sidoo kale oogu yeedhayay madaxweynaha Maraykanka Donald Trumb, in uu dib oog noqdo go’aankiisaas.
Balse Safiirada Maraykanka u fadhida Qaramada midoobay Nikki Haley, ayaa diidada qayaxan (veto) kaga hor timid go’aankaas, kadib markii ay isku raaceen xubnihii intoodii kale ogalaanshihiisa.
Kulankan maanta Khamiista loo balansanyahay, ayaa waxa uu noqonayaa isku daygii labaad ee Falastiin iyo taageerayaashooda bahda aduunka, ay ku doonayaan in ay oogu ololaynayaan in ay ku naafiyaan go’aankii maraykanku uu magaalada Qudus oogu aqoonsaday in ay tahay caasimada Israel.
Maraykanka ayaa dhankiisa dareen ka qaaday codkii golaha amaanka ee dhamaan asxaabtoodii waawyenaa ay ka codeeyeen, kuwii yaryaraa ee ay taakulayn jireena sidoo kale ay ka codeeyeen.
Maraykanka walaac hor leh ayay taasi ku abuurtay. Iyaga oo hadaba isku dayaya in ay ka hor dagaan wixii ka dhacay Golaha Amaanka maamlma ka hor in wax la mida ay maanta ka dhacaan, Golaha Qaramada Midoobay ee Loo Dhanyahay, ayaa waxa madaxweyne Trump, uu ku balanqaaday in uu ciqaabi doono dalalka ay caawin jireen, ee suura galka ah in ay ka codeeyaan.
Nikki Haley, ayaa iyadu ku balan qaaday in ay Trump, usoo gudbin doonto liistada dalalka kasoo hor jeedsada go’aanka Maraykanka, si loo ciqaabo.
Mid la mida taas, Israel ayaa dhamaan ku wargalisay safaaradaheeda daafaha caalamka ku yaala, in ay ka halwgalaan dadaal lagu doonayo in dalalka lagu shukaansado si ayna ooga soo horjeedsanin maraykanku libtii uu siiyay.
Go'aanka kasoo baxa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaan isagu lahayn awood fulineed, balse leh miisaan siyaasadeed oo tix galinteeda leh.
Waqti kooban aya ka hadhay codaynta, balse aad ayuu oogu badan yahay ninkii ka dhursugaya.