Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

UN special Envoy to Somalia Ordered to Leave Somalia

Nicholas Haysom, Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia, has been asked by the Somalia government to leave the country.

Nicholas Haysom, Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia,
Source: Abdihafid

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe u qaabilsan Soomaaliya  uu isaga baxo dalka.

Waxaa warkaasi lagu sheegay in Mr Heysom uu dalka isaga baxo oo aanan laga rabin in uu kasii shaqeeyo, bacdamaa uu siyaasada dalka farageliyay sida lagu sheegay warkaasi kasoo baxay wasaarada arrima dibadda ee Soomaaliya.

Arintan ayaa ka danbeeysay kadib markii Xafiiska Nicholas Heysom  uu soo saaray war sheegaya in Booliska Koonfur galbeed ay Qaramada Midoowe taageerada ay siin jireen ay jarayaan, isla warkaasna lagu eedeyey dowladda Federaalka Soomaaliya soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow oo la weydiiyey iney faah faahin rasmiya ka bixiso.

Weli wax war ah kama soo bixin Heysom iyo xafiiska QM ee Soomaaliya.


1 min read

Published

Updated

Source: SBS



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now