US President and The Book of "Fire and fury: Inside the Trump White House ”

US President and The Book of "Fire and fury: Inside the Trump White House ”

Michael Wolff's book 'Fire and Fury' about the Trump White House.

Michael Wolff's book 'Fire and Fury' about the Trump White House. Source: AAP

Kitaabkan oo uu qoray Michael Wolff, ayaa Maraykanka lawada iibsaday daabacaadiisii oogu horaysay, isaga oo ka abuuray dareen cusub gudaha wadanka Maraykanka, si gaara dhanka ku saabsan u qalmida Donald Trump, in uu ahaado madaxweynaha Maraykana, marka la qiimeeyo dhanka wax garadkiisa iyo sidoo kale heerkiisa fahan ahaaneed ee arinaha aadka u culculus amaba xasaasiga ah ee had iyo jeer madaxweynaha horyaala.

Kitaabkan ayaa sidoo kale ifiyay talaabooyinkii oogu danbeeyay ee maamulka Trump ay ka qaateen arimaha Bariga Dhexe, oo ay oogu horeeyaan arintii Qudus iyo Khilaafyadii ka dhex aloosmay dalalkii Gacanka Carbeed.

Kitaabkan nuqulo laga soo xigtay ayaa waxa ay cadaynayaa in maamulka Trump, ay waqti badan ka qaadato in ay wax fahansiiyaan Madaxweynaha, iyagoo ku magacaaba dhaqankiisa in uu ayahay sida ciyaalka oo kale, uuna u baahanyahay in marwalba sasabaad raali galina lagu wado. Isagoo qolka jiifkiisa – kadib markii uu codsaday – loogu xidhay sadex dhalo oo kanaala kala duwan uu isku hal mar ka daawado.

Buugan ayaa waxa uu sheegayaa in waqtigii uu Trump, booqashada ku joogay Sucuudiga bishii May 2017, in uu Sucuudiga suul-dhabaala siiyay in ay Qatar la colaytanto, isagoo Trump, balanqaad ka helay Sucuudigu in ay maalgalin doonaan ciidama Maraykana oo sucuudiga fadhiisima ka dhigta, kuwaas oo badali doona ciidamada Maraykanka ee Qatar hada ku sugun.

Xigashooyinka ayaa waxaa kale oo ay intaasi ku darayaan, in Mohamed Binu Salman iyo Koshnar -  ahna wiil uu sodog u yahay Madaxweyne Trump – in ay saaxiiba hoose noqdeen, Mohamed Binu-salmana uu balan qaaday in wax kasta oo ay gobalka Bariga Dhexe ka rabaan in uu si dhaqsa ah oogu soo dhamaynayo, waliba waqi kooban, balse uu ka rabo in awooda Maraykanka uu abaal marin ka helo.

Tan ayaa fasiri karta wax badan oo markii hore la fhmi la’aa dhanka khilaafyadii Gacanka Carbeed, iyo siyaasada badan oo kasoo cusboonaaday Bariga Dhexe, mudadii uu Trump madaxweynaha Maraykanka ka noqday.

  

 

 

 


Share
2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar
Presented by Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
US President and The Book of "Fire and fury: Inside the Trump White House ” | SBS Somali