US Supreme Court allows part of Trump travel ban to go into effect

US Supreme Court allows part of Trump travel ban to go into effect

An Iraqi family welcome their grandmother at an airport

A US appeals court has upheld a lower court's ruling blocking Donald Trump's travel ban. (AAP) Source: EPA

Donald Trump oo guul ku tilmaamay Maxkamadda ugu saraysa Maraykanka oo qeyb ka mid ah fasaxday xayiraadiisii..

Maxkamadda ugu saraysa dalka Mareykanka {US Supreme Court }ayaa fasaxday dhaqangelinta qeyb ka mid ah amarkii xayiraada socdaalka ee madaxweyne Trump inta ay maxkamaddu ka baaraandagaysa sharci ahaanshaha amarkaasi.

Amarkan ayaa ka mamnuucayay muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin u badan oo ay Soomaaliya ku jirto inay u safraan Mareykanka muddo 90 maalmood ah. Wuxuu sidoo kale si ku meel gaar ah u hakinayay barnaamijka qaabilaada qaxootiga muddo 12 maalmood ah.

Waxaa amarkan horay u diiday maxkamadaha hoose ee dalka Mareykanka, taasoo dhalisay in maamulka Trump  uu racfaan ka qaato.

Maxkamadda ayaa sheegtay in amarkan inuusan khusayn doonin dadka ajaaniibta ah ee dalalkaas kasoo jeeda oo Maryakanka ku imanaya sababo ay ka mid yihiin inay qoyskooda ku biirayaan ama ay shaqo ama waxbarasho ku imanayaan.

Madaxweyne Trump ayaa ku dooday in xayiraada ay ka difaaci doonto shacabka Mareykanka qatarta uga imaaneysa wadamadaas.

Xaakimiinta  maxkamadda ayaa sheegay inay ka fiirsan doonaan dacawada ah inay xayiraada gebi ahaanba laalaan iyo in kale.

Amarka madaxweyne Trump ayaa hore caqabado ula kulmay markii xaakinka maxkamadaha federaalka ee goboladaHawaii iyo Maryland ay ku tilmaameen mid dadka lagu kala soocayo.

Xayiraadan oo madaxeweyne uu saxiixay bishii Janaayo ayaa keentay muddaaharaadyo ka dhacay goobo badan oo Maraykankan ah oo ay ka mid ahaayeen garoomada waaweyne qaarkooda kadib markii laga horistaagay dad wadanka deganaansho ku haystay inay soo galaan.

Maxkamada ayaa bisha Octoober go'aan ugu danbays ah ka gaaridoonta xayiraadan.


Share
2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand