Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

US-Turkey Relations Are Deteriorating

Turkey President Tayyip Erdogan.
President Tayyip Erdogan tried to reassure supporters in a rally amid Turkey's currency crash. Source: AP

Khilaafka u dhexeeya Turkey iyo Maraykanka ayaan wali qaboobin iyadoo madaxweynaha Turkey uu ku eedeeyay Maraykanka inuusan abaal lahayn.

Dawlada maraykanka ayaa cunaqabtayn kusoo rogtay labo wasiir oo ka tirsan dawlada Turkey halka ay cunaqabatno dheeraad ah ku hanjabtay.

Wuxuu sidoo kale Maraykanku labanlaabay canshuuraha la saaro biraha iyo aluminiyamka Turkey u dhoofiso Maraykanka.

Arimahan ayaa imanaya iyadoo dawlada Maraykanku ka carootay xariga baadari Maraykan ah oo Turkey lagu xiray.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Maraykanku uusan si fiican u eegayn iskaashiga milatari ee Turkey ay la leedahay.

Cunaqabataynta kadib, suuqyada ayaa aad u sabeeyay, islamarkaasna qalqal u sameeyay. Bangiga Dhexe ee Turkiga oo isku dayay in uu wax ka qabto arrimaha suuqa ayaa ku guul daraystay.

"Waxaan iskula jirnaa NATO, dhanka kaledhabarka ayaa toori naga galinaysaan" ayuu yiri Erdogan.

Lacagta Turkiga ayaa hoos u dhacday 40% qiimihii looga kala sarifan jiray doolarka. waxaa kale oo dhacday in suuqyada ay sabeeyeen.

Bangiga dhexe ee Turkey ayaa diiday inuu kordhiyo dulsaarka taasoo la sheegay inuu taas u sameeyay maadaama uusan u madax banaanayn go'aamada lacagaha dalka.

Erdogan ayaa hadda taageero ka doonaya dalal kale sida China Ruushka iyo Qatar si ay uga caawinayaan dhaqaalaha dalka oo qar ku socda.


2 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now