Dab ka dhacay koonfurta-waqooyi ee gobalka Victoria miyigiisa, ayaa lagu soo waramayaa in uu burburiyay ilaa 18 guri, isagoo dilay tira xoola ah, sidoo klena halaagay agab xoolalaydu lahayd.
Madaxa Gurmadka Victoria, Craig Lapsley, ayaa shegay in ay haatan cabsi badan ka qabaan dababka ka socda dhinacayada Tareang, Cobden iyo Camperdown, goobahaas oo haatan hawlgal badan ka socdo sidii dabka loo hor istaagi lahaa.
Dab-damiyaal gaadhaya 700, iyo diyaaradaha dusha ka rusheeya iyo diyaaradaha Helicopterka ee gargaarka fidiya, ayaa si xoogan hawlgalo haatan ooga wada sidii ay u damin lahaayeen dabkaa hulaaqaya, oo haatan burburiyay dhul baaxadiisu dhantahay 40,000 oo hiktar.