Victorian chief judge slams media coverage of 'African crime'

Victorian Deputy Commissioner Andrew Crisp (left) and Chief Police Commissioner Graham Ashton listen as African community leader John Kuot speaks during a press conference in Melbourne, Wednesday, January 10, 2018. (AAP Image/Ellen Smith) NO ARCHIVING

Victorian Deputy Commissioner Andrew Crisp (left) and Chief Police Commissioner Graham Ashton listen as African community leader John Kuot speaks. Source: AAP

 

Garsoore sare ayaa sheegay in sida warbaahintuu uga hadasho danbiyada ay galaan bulshada African inaysan ahayn mid sax ah ee sidoo kale ay qatar tahay.


Tiro danbiyo isdabajoog ahaa oo lala xariiriyay Australian Africa kasoo jeeda sanadkii lasoo dhaafay ayaa kiciyay dood ku saabsan inay jiro dhibaato wayn oo burcad African ah ay ka wadaan dalka gaar ahaan Victoria.

Laakiin Peter Kidd oo ah garsoore ayaa gaashaanka ku dhuftay doodaas isagoo sheegay in warbaahintu ay si xad dhaaf ah uga hadasho danbiyadaas.

"Waxaan oran karaa guud ahaan markaan ka hadlayno shaqadayada garsoore ahaan, aqlabiyada dadka maxkamada la horkeeno ma ah African" ayuu u sheegay barnaamujka Four Corners ee TV ABC ka baxa.
Peter Kidd talks to Four Corners.
Peter Kidd talks to Four Corners. Source: Four Corners
Four Corners

 

"Haddii aad tahay qof African ah oo danbi galay, gaar ahaan haddii aad tahay qof dhalinyaro ah oo kasoo jeeda koofurta Sudan oo degan xaafadaha galbeed ee Melbourne, waa hubaan in warbaahintuu kayskaaga ka hadlayso"

Ayuu ku daray Peter Kidd

"Warbaahintu waxay doorteen inay ka waramaan kaysaskaas. taasina waxay abuuraysa dareen ah in shaqadeena garsoorayaal ahaan inteeda badan aan ku mashquul sanahay danbiyada ay galaan dhalinyaro African ah oo kasoo jeeda xaafadaha galbeedka Melbourne , taasina waa fikrad qaldan" ayuu sii raaciyay garsoore Kidd.

 


Mr Kidd ayaa sidoo kale sheegay in warbaahintuu ay si cadaalad daro ah u ugu dhaliileen garsoorayaasha inay u jilicsan yihiin dhalinyaradaas danbiyada gasha.

"In la dhaliilo maxkmadaha waxay qayb ka tahay nidaamka dimoqraadiyada, waan soo dhawaynayaa wixii dhaliil ah ayuu intaa ku daray.

"Nasiibdaro inta badan dhaliilahaas ma ah kuwo sax ah ama miisaaman, cadaaladna ah" ayuu yiri Peter Kidd

"Waa arin qatar ah in hadal aan jirin layska sheego sababtoo ah waxay wiiqaysaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan nidaamka garsoorka. waan arin walaac nagu haysa. waan weerar lagu hayo kala danbaynta iyo sharciga" ayuu Mr Kidd u sheegay ABC
Victorian Deputy Commissioner Andrew Crisp (left) and Chief Police Commissioner Graham Ashton listen as African community leader John Kuot
Deputy Commissioner Andrew Crisp (left) and Chief Police Commissioner Graham Ashton listen as African community leader John Kuot at a press conference in 2018 Source: AAP
Victorian Deputy Commissioner Andrew Crisp (left) and Chief Police Commissioner Graham Ashton listen as African community leader John Kuot speaks.AAP

Bilowgii sanakdana wasiirka arimaha gudaha Peter Dutton ayaa warbaahinta qabsaday kadib markiiuu sheegay in Melbourne dadka degan ay ka cabsanayaan inay dibada u baxaan oo maqaayadaha aadaan habeenkii burcada Africanka awgood.

Sida lagasoo xigtay xafiiska tirakoobka 20, 051 dhalinyaro ah ayaa danbiyo ka galaya gobolka NSW sanadkii 2015-2016, Queensland 12,931, Victoria 8,726.

Sida laga soo xigtay xafiiska tirakoobka Victoria dadka reer Victoria ee ku dhashay Sudan ay masuul ka ahaa oo kaliya 1% dhamaan danbiyada laga galay gobolkan 2017.

Laakiin tirakoobka ayaa sidoo kale muujinaya in bulshadaasi ay ku badnayd danbiyada qaar.

Booliska Victoria ayaa qiray in koox yar oo ka tirsan bulshada Africanka ay dhibaatooyin wadaan laakiin waxaysan wax wayn kasoo qaadin walaaca laga qabo kooxo burcad African ah.


Source: SBS News





Share
3 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand