Maalintii talaadada ee bisha April ahayd 25 waxaa la xusay askartii Australia uga dhimatay dagaaladii uu dalkan soo galay.
Waa maalin qaali ku ah dalkan Australia iyadoo Australia labadii boqol oo dalkan jiray intii Yurubiyaanku yimaadeen ay kazoo qaybgaleen dagaalo badan oo qaarado kala duwan ka dhacay.
Xusaska askartii ku nafwaay iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa ka dhacayay dalka oo dhan waxayna ahayd maalin muqadis u ah dhamaan Australianka ayn si qashuuc ku jiro u xusaan.
Waxaa jira kalmado can ku ah xuska askartii dhimatay oo ah Lest we forget oo macneheedu yahay waligeen ma iloobi doono nafti huranimadii aad noosoo samaysyeen.
Haseyeeshee iyadoo xusku socdo ayay gabar Muslimad-Australian ah oo la yiraahdo Yassmin Abdel-Magied oo barnaamuj ka siidaysa TV ABC waxay barteeda Facebook ku qortay kalmad aad looga carooday.
Halka dadku Lest We forget ay u isticmaalaan xasuusta askartii ku dhimatay dagaaladii Australia.
Yassmin Abdelmajid waxay barteeda Facebook ku qortay Lest We forget oo haddi ay intaa ku dayn lahayd caadiyan ah ma iloobi doono balse waxay ku dartaya Lest We Forget Manus, Naru, Syria iyo Falatiin.
Iyadoo Markaa ula jeeday dhibaatooyin loo gaystay qaxootiga xeryaha Manus iyo Nauru ma iloobidoono iyo waliba dhibaatooyin Suuriya iyo Falatiin.
Qoraalka gabadhan ayaa dab ku shiday warbaahinta bulshada iyo waliba TV iyo Idaacadaha iyo Joornaalada, waxaa kaloo ka hadlay oo canbaareeyay qoraalka Yassmin siyaasiyiin ku sheegay qoraalkeeda wax aan dhahan lahayn xushmad darana ku ah askartii Australia ka dhimatay.
Qaar badan ayaa ku doodaya inay tahay in ABC ay shaqada ka erido.
Dad badan oo dhaliilay qoraalkan u danbeeyay ee Yassmin ayaa sheegay inay nacas nimo ku kacday laakiin aysan ahayn waxa shaqada looga eryo.
TV ABC ayaa sheegay inaan shaqada laga eryidoonin Yassmin.
Yassmin ayaa markii lagu kacay tirtirtay qayb ka mid ah qoraalka iyadoo ku reebtay oo kaliya Lest we forget kana tirtay Manus, Nauru, Syria iyo Falastiin.
Waxay sidoo kale ka bixisay raaligalin iyadoo sheegtay inay siyaasadaysay xuska ANZAC.