YouTube ayaa sheegay inuu qaadayo talaabooyin dhowr ah oo lagu xaqiijinayo inay kuwo sax ah yihiin wararka lagu faafiyo Youtubka iyagoo intaa ku daray inay gacan bir ah ku qabandoonaan wararka been abuurka ah ayna taageeridoonaan warar ay tabiyaan hayadaha warbaahinta ee la yaqaan.
Shirkadan ayaa sheegtay inay mudnaan wayn siindoonto warar ay baahiyaan shirkada warbaahinta ee la yaqaan gaar ahaan wararka deg deg ah (Breaking News)
Arintan ayuu Youtube uga danleeyahay inuu ka hortago fiidiyowyada been abuurka ah ee isla markiiba la faafiyo kadib toogasho ama masiibo kale oo dhacda.