Saaxiibtinimadii Maraykanka iyo bahda Reer Yurub, ayaa u muuqata bilihii u danbeeyay mid dhaawac culus uu soo gaadhay, taas oo haatan si xidhiidha ay hoos oogu sii dhacayso, qarkana ay u saarantahay in ay burburto.
Aragti kala duwananaanshaha qadiyadaha caalamiga ah, iyo madaxweyne Trump iyo maamulkiisa oo halku-dhag ka dhigtay marka hore maraykanka “America First”, ahna ka talinta danaha maraykanka iyagoon tix galin siinin danaha dhinacyada kale , ayaa waxay kamidyihiin waxyaabaha oogu waaweyn ee khilaafka abuuray.
Aragti kala duwanaanshaha khilaafka ayaa waxa ay ka bilaabatay markii madaxweynaha Marayknku uu ku dhawaaqtay in Maraykanku uu ka baxay heshiiska caalamiga ah ee Paris ee arimaha cimilada.
Isku dayo badan oo la sameeyay, si loogu qanciyo Trump in uusan heshiiska cimilada ka bixin, ayaa ku guuldaraystay in Mr Trump uu ka laabto go’aankaas. Waxaa kaloo xigay markii uu Trump ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee ay wada galeen 2015 Iran iyo dalal Yurub ka mida.
Kabixitaanka heshiika Nukliyeerka ayaa waxa uu dhalay in maraykanku ay haatan sidoo kale ku hanjabaan in sharikadaha Bahda Reer Yurub ee Iiraan ku sugan in ay cunaqabatayn kusoo rogi doonaan, si gaara kuwa ka shaqeeya biraha iyo nuxaasta.
Arinkan ayaa waxa ay ka xanaajisay bahda Reer Yurub, isagoo madaxa Golaha Reer Yurub Donald Tusk uu ooga digay Maraykanka in ay ka fiirasadaan qorshahooda in siyaasada dunida ay sida ay rabaaan in ay u dhigaan, isagoo sidoo kalena oogu yeedhay Bahda Reer Yurub in ay noqdaan kuwa saamayn ku yeesha dunida oo aan noqonin shax ku jirta gacanta Maraykanka.
Dhainacyada siyaasada indhaindheeya ayaa sheegay in hadii uusan ku imaanin isbadal cusub dhanka sii kala fogaanshaha siyaasadeed ee Maraykanka iyo Yurub, iyadoo Maraykankuna uu sii wadayo anbaqaadkiisa dhanka kaligii noolaanshaha, in taasi ay horseedi karto in la arko siyaasooyin badan oo u jihaysan qaabab ka duwan kuwii dunida looga bartay mudooyinkii danbe, kana dhigan sii kala fogaansho Maraykan iyo Yurub.