Pauline Hanson, oo aad ooga kululaatay xubin ka mida xisbigeeda oo u muuqda in uu ka go’ayo.
Madaxa xisbiga One Nation, senatarad Pouline Hanson, ayaa kadib markay ka shikiday daacadnimada Senatar Brain Burston, waxa ay oogu yeedhay in uu iska casilo kursiga uu u hayay xisbigeeda, maadaama uusan xisbiga daacad u ahayn.
Balse dhankiisa Burston, ayaa sheegay in uu 20 sano xisbiga daacad u ahaa, haatana uusan iska casilaynin jagtadiisa, balse ay u taaalo Bauline, in ay xisbiga ka caydhiso, taasoo ay awoodo, isagoo sheegay markaas in uu noqonayo xubin madax banaan.
Pouline Hanson, ayaa xisbigeedu baryihii danbe u muuqday in uu cidhiidhyanayo siyaasada Australia, balse iyadoo xubin hore uu ka baxay, haday Burston uu isna ka baxo, halkaasi ay kaga furmi doontaa dibu dhac dhanka cidhiidhyadkii siyaasada