Dawlada Australia ayaa sheegtay in bilayska Malaysia ay fashiliyeen tahriibayaal loo badinayo in ay soo beegsanayeen wadanka Australia ama New Zealand.
Tahriibayaasha oo tira ahaan la sheegay in ay ahaayeen 130 qof, kana soo jeeda wadanka Sri-Lanka, ayaa bilayska Malaysia ay fashiliyeen, kadib markii ay doontoodu kasoo dhaqaajisay maalintii Talaadada ee lasoo dhaafay Koonfurta xeebaha gobalka Johor ee wadanka Malaysia.
Dadka tahriibayaasha ayaa sida la sheegay isugu jiray 98 raga, 24 haweena, 5 gabdhood iyo 4 wiil.
Bilayska Malasia, ayaa sidoo kale qabqabtay koox wadatay doon yar oo kaluumaysiga loo adeegsado, oo sida la sheegay dadka lagu daabulay, si loo gaadhsiiyo tahriibayaasha doonta ay raacayeen, oo bada dhex hoganaysa, halkaas oo lagu xidhay sadex Indonseya u dhashay iyo afar Malaysiya u dhashay.
Wasiirka Arimaha Gudaha Peter Dutton, ayaa arintaas u dhigay in ay tahay khatartii tahriibiyaasha oo soo laba kaclaysay, isagoo sheegay in uu doonayo in sharci adag uu kasoo saaro adkaynta xuduudka Australia.
Munaasabaas ayuuna ooga faa’iidaystay, isagoo oogu yeedhay in mucaaradku ay taageeraan qorshayaasha cusub ee looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo xuduudka wadanka.