The historic United States-North Korea summit hailed as a success by both leaders

The historic United States-North Korea summit hailed as a success by both leaders

Kim Jong-un and Donald Trump meet to start their Singapore summit

Cuộc gặp lịch sử giữa Kim Jong Un với Donald Trump diễn ra ở Singapore Source: AAP

 

Kulankii oo dhaboobay

Shir madaxeedkii Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ee mudada la sugayay , ayaa maanta oo Talaada ah 12 June 2018, ka qabsoomay wadanka Singapore.

Kulankan ayaan ahayn mid inta badan la odorasayay in uu dhaco, sababa la xidhiidhi colaada labada dhinac ay isu hayeen, iyo sidoo kale labada masuul oo lagu yaqaano in ay ficila degdega ka muujiyaan dhacdooyinka siyaasada, iyadoo la ogsoonyahay in kulankan uu qarka u saarmay in uu fashilmo qabsoomidiisu, kadib markii ay kala boodeen labada hogaan.

 Kulankan sidee loo arkay

Maadaama uu kulankani ahaa mid ay ku fashilmeen madaxdii Maraykanka ee ka horaysay Donald Trump, ayaa qabsoomidiisa kaliya dhinacyada qaar waxa ay ku tilmaameen in uu yahay guul diblomaasiyadeed oo loo tiirinayo abaalkeeda Donald Trumb, tan oo laga gaadhay is fahanwaagii siyaasadeed ee ka taagnaa Jasiirada Kuuriya, iyadoo taasina ay Trump u noqonayso wax qabad uu sheegto in uu la dheeryahay madaxdii hore ee Maraykanka ee isaga ka horaysay, iyadoo qaar ay la simeen kulanka labada hogaamiya, sidii maalinkii la burburiyay darbigii Baarliin ee 1989.

Waxaa mudan in la xuso in Trump, uu aad u daneeyo dhibca tirsiga dhanka siyaasada – ciduu doonaba ha ugu daneeyo, ama ciduu doonana hakaga cadhaysiiyee – iyadoo la xusuusto  go’aankii uu ka qaatay dhanka aqoonsigii Magaalada Qudus ee uu u aqoonsaday in ay tahay Caasimada Israel, iyo kusoo wareejintii Safaarada Maraykanka uu kusoo wareejiyay magaalada Qudus, talaabadanoo ay ka fiirsadeen madax badan oo ka horaysay oo Maraykanka soo martay,  tan oo la barbardhigi karo xaalada Jasiirada kuuriya sida ay u cakirnayd, isagoo sidaasna u  arka in uu kaga horeeyo qaar ka mida madaxdii hore ee Maraykanka, si uu u badsado dhibcahaasna waxa uu qaatay hal-ku-dhag ah “Maraykankaa mudnaanta hore leh”.

Dhinacya kale ayaa iyagu ka digaya in aan lagu fududaanin in wax weyn laga fisho kulanka labada hogaamiye, oo mid walba uu rabo in uu isagu noqdo ninka isagu faa’iidadu ay raacdo. Dhinacya badan ayaan kalsooni ku qabin labadan hogaamiye, marka la tiigsado sooyaalkooda dhanka diblamaasiyada, iyo samir la’aanta siyaasadeed ee lagu yaqaano.

Dhinacyadaas su’aalaha ka keenay dhanka  wax ka filashada  shirka ayaa waxaa ka mida Labada  Wasiir Arima-dibadeed ee ee Faransiiska iyo Sweden, iyagoo shir jaraa’id oo ay yeesheen muujiyay shakiga ay ka qabaan in shirka labadaan hogaamiye ay horumar ka gaadhi karaan dhanka ka tirtirida Jasiirada Kuuriya hubka Nukliyeerka, iyadoo wasiirada Sweden, ay muujisay in ay tahay mid suura gala filashada kulankan fashilitaankiisa.

Waxaa kaloo iyaduna meesha aan ka baxsanayn in heshiiska Hubka Nukliyeerka ah uu ka weynyahay wax ay laba dhinac kaliya ka heshiiyaan, ayna tahay hawl mudnayd in kulan intaan ka balaadhan lagu gorfeeyo, lana gaadhsiiyo heerka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo dhankiisa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,  Kim Jong-un, ay jirto in uu muujiyay walaaciisa  ku aadan in uu Maraykan kaliya isu dhiibo, oo uu hubkiisana halkaas ku burburiyo, halka bahda aduunkuna ay ahayd midii ay u dhanayd markii cunaqabataynka lagusoo rogay, waloow aan la ogayn tan iyo haatan waxa uu Kim la shirtagay, ama mustaqbalka la shirtagi doono.

Kulankan maxaa xigaya.

Waxaa hubaala in kulankaan uusan ahayn kii soo gabagabeeya dhibaatadii ka dhaxaysay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, haday noqoto mid diblomaasiyadeed iyo mid khusaysa ka tanaasulka hubka nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi, sababtuna waxa ay tahay iyadoo arimuhu ay intaas ka culus yihiin, maxaa yeelay Kim diyaar ooma aha, in uu xitaa hadii uu qaato fikrada  ka tanaasulka hubkiisa Nucliyeerka, diyaar ooma ah, in uu hal mar ka takhaluso hubkiisa , ee waxa uu qaadi doonaa talaabooyin, isagoo raba markuu talaaba tanaasula sameeyo, in uu helo badalkeeda oo faa’iida ah, oo cuna qabataynka looga qaadayo, bahda aduunkana uu dib oogu soo laabanayo wadankiisu.

Waxyaabaha la odorashayo ayaa waxa ay tahay , in xataa hadii wax carqalada ayna soo foodsaarin geedi socodka wadaxaajoodkan, in ay xigayaan kulamo meela kale ka dhaca, lagana yaabo sida uu muujiyay Donald Trump, in shirka xiga uu ka dhaco Maraykanka iyo Aqalka Cad, iyadoo Trump kulankan ka hor uu shaaciyay in hadii uu kulankan biloowga ah uu guul ku dhamaado, in ay dhici karto in uu Kim ku marti qaado Aqalka Cad ee Maraykanka.

Kulankan oo maanta ahaa biloow, qaatayna mudo dhan 45 daqiiqo, ayaa la eegi doonaa dhanka uu u jiheeyo wadahadalada u biloowday Kim iyo Trump, oo marar badan is weeraray , si shaqsi ahna cay iyo aflagaado is dhaafsaday,  hanjabaada dagaalna isu tabiyay.


Share
4 min read

Published

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends