Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

3 dii booliska oo ku sugnaa goobtii George Floyd ku dhintay oo la soo xiray

Minnesota AG announces charges against four Minneapolis police officers
Source: Reuters

Xeer ilaaliyaha guud ee MInnesota Keith Ellison ayaa kor u dhiyay dacwada lagu soo oogay askarigii booliska ahaa oo jilibka uga hayay qoorta George Floyd in ka badan 8 daqiiqo.

Derek Chauvin ayaa hadda lagu soo oogay dil heerka labaad, waxaa sidoo kale lasoo xiray 3 dii askari oo goobta joogay markii George Floyd la xiriyay, waxaana sadexdan askari lagu oogaya dacwooyin ah inay saacideen oo ay qayb ka qaateen dilka George Floyd.

Dilka heerka labaad ayaa macneheedu yahay inuu ula kac ahaa dilku haddii lagu helana uu mutaysan karo 40 sano oo xabsi ah.

Mr Ellison ayaa sheegay inay ka go'an tahay inuu cadaalad u helo qoyska Mr Floyd.

"George Floyd wuxuu ahaa nin la jecel yahay, reerkiisu qiimo ayuu u lahaa, naftiisu qiimo ayay lahayd, waxaana u raadinaynaa cadaalad, waana u helaynaa. Xaqiiqda ah inaan dacwooyinkan soo bandhignay macneheedu waa inaan aaminsanahay cadaalad. Laakiin waxa aanan aamin sananayn waa in hal dacwo oo lagu guulaysto aysan saxayn dhaawaca iyo dhibaatada dad badan ay dareemayaan," Ayuu yiri Keith Ellison.


1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now