9 qof oo ku dhimatay daadadka Queensland iyo New South Wales.

Flooding is seen in Chinderah, Northern NSW, Tuesday, March 1, 2022. More severe weather is expected along the NSW coast. (AAP Image/Jason O'Brien) NO ARCHIVING

Flooding is seen in Chinderah, Northern NSW, Tuesday, March 1, 2022. More severe weather is expected along the NSW coast. Source: AAP

Daadadka NSW ayaa la soo sheegayaa in qofkii ugu horeeyay uu ku geeriyooday woqooyi barri gobolka.
 
Maydka haween la aaminsan yahay inay 80 jir ahayd laakiin aan haybteeda la xaqiijin ayaa laga helay guri biyuhu qaadeen oo ku yaal Lismore.
 
Deegaanka ayaa wajahaya daadadkii ugu darnaa inta la xasuusan yahay.    
 
Wasiirka adeeg yada degdeg ah ee NSW Steph Cooke ayaa ku boorinaya dadka degan koofurta gobolku inay u diyaar garoobaan cimilada oo ka sii daraysa.
 
[["Maadaama roobku u socdo dhanka koofurta, dadka degan Sydney waqti ayay haystaan. Waan aragnaa waxaa ka socda qaybaha woqooyi ee gobolka maalmihii la soo dhaafay. Waxaa la joogaa waqtigii la diyaar garoobi lahaa."
 
Masiibo qaran ayaa looga dhawaaqay 17 gole deegaan oo ku yaal NSW iyadoo magaalada Ballina ay aragtay daadad 500 oo sanoba mar dhaca.
 
Dad ka badan 1000 qof laga daad gureeyay daadadaka ka socda NSW.
 
Dhanka kalana 8 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen labo kalana  la la'yahay Queensland iyadoo gobolku la tacaalayo saamaynta roobab aan taariiqda hore loo arag.
 
Ku dhawaad 300 oo guri ayay daadadku ku saameeyeen Logan, waxaa la soo wariyay sadex  dhacdo oo guryo iyo ganacsiyo la jabsaday.
 
Wasiirka dabdamiska iyo adeegtada degdega ah ee Queensland Mark Ryan ayaa digniin adag u jeediyay kuwa isku dayaya inay ka faa'iidaystaan daadadka oo dano u gaar ah ka helaan.
 
Dhamaan iskuulada Queensland ayaa lagu wadaa in dib loo furo kadib markii 1000 iskuul la xiray maalintii Isniinta.
 
Kaalmada lacageed ee dadka dhiban ayaa sidoo kale la dedejinayaa gobolka oo dhan.
 
Premierada Queensland Annastacia Palaszczuk ayaa sheegtay in inkas oo oo roobkii qaadayo, balse dhibaatada iyo saamaynta ka dhalatay intii waqti ah la dareemi karo.
 
"Ganacsatadeenu dhib badan ayay soo mareen intii lagu jiray faafka COVID-19, haddana tanaa ku dhacday. Dhowrka todobaad ee soo socda waxaa socon doona nadaafad balaaran, iyadoo xataa roobkii qaaday dad badan ayaa maalmaha iyo todobaadyada soo socda dhibaatada wali ku sii jiraya."
 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
9 qof oo ku dhimatay daadadka Queensland iyo New South Wales. | SBS Somali