Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

A 23-year-old Adelaide woman has been found guilty of membership of the I-S terror group.

Zainab Abdirahman-Khalif
Source: Twither

Gabar 23 jir oo degan magaalada Adelaide ayaa lagu helay danbi ah inay ka tirsantahay kooxda argagixisada ee Islamic State.

Xeerbeegto maxkamada sare ayaa go'aamisay  in Zainab Abdirahman-Khalif  xabsiga lagusii hayo oo ay ku sugto xukunka xaakinka oo waqti kale dhici doona.

Zainab Abdirahman-Khalif ayaa la xiray bishii Juulaay 2016 iyadoo isku dayaysay inay ka duusho Adelaide kuna sii jeeday Turkey iyadoo goosatay tikit aan soo noqosho lahayn wadatayna boorso  kuwa gacanta lagu qaato oo gudaha diyaarada lala galo waxay kaloo wadatay 170 doolar.

Dacwad oogayaasha ayaa ku dooday in lacagta yar ee ay wadatay aysan ahayn lacag ku filan inay kusoo noqoto.

Gabdhan yar ayaa Soomaaliya kasoo jeeda waxayna Australia soo gashay iyadoo 14 jir ah.

Zainab ayaa ahayd ardayd barata kalkaaliso caafimaad.

Zainab ayaa markale maxkamada la horgayndoonaa bisha October

 


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now