Shabakada SBS sida ay xog ku heshay, ayaa qaxootiga Jasiirada Manus ku noolaa ee Maraykanka dibudajinta ka sugayay, ayaa lagu wadaa maanta Talaadada (23/01/2018) in ay ka duulaan Manus, iyagoo kusii jeeda Maraykanka.
Ugu yaraan 40 qaxooti ah oo ku noolaa xeradii Papua New Guinea ku taalay, ee marar badan shoobarooyinku ka dhaceen, ayaa loo ogolaaday in dibudajin laga siiyo Maraykanka, balse waxa aan la ogeyn in dhamaantood ay diyaarada maanta baxaysa raacayaan iyo in kale.
Qoxootiga dibudajinta ka helay Maraykanka ayaa u sheegay shabakada SBS, in ay ku farxsanyihiin fursada ay heleen, balse waxa ay walaac ka muujiyeen dadka lagu qiyaasay 1,500, ee magangaliya doonka ah ee wali ku hadhay Jasiirada Manus, ee iyagu aan wali fursad dibudajina helin