Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

A major United Nations body has become the latest battleground for the dispute between several Arab states and Qatar

Gulf crisis spill into UNESCO.
Source: KUNA

Hayad ka mid ah kuwa ugu waaweyn QM ayaa noqotay goob dagaal afka ku dhexmaray dalalka Khaliijka ee muranku ka dhexeeyay.

UNESCO-oo ah hayada QM ee arimaha dhaqanka iyo  bulshada ayaa xarunteedu tahay caasimada dalka Fransiiska ee Paris.

Waxaana hadda socda cod loo qaadayo cidii hayadan madax ka noqon lahayd.

Qatar iyo Masar ayaa labadaba musharixiin ugu tartamayaan jagadan muhiimka ah laakiin afhayeen u hadlay dawlada Masar ay bartiisa Twitherka ku qoray in wasiirka arimaha dibada Masar uu u sheegay Qatar inaan UNESCO aysan beec ahayn oo aysan gadan karin sidii ay u gateen FIFA.

Hadalka ayuu ula jeeday muran ka dhashay Qatar markay ku guulaysatay inay martigaliso koobka kubada cagta aduunka 2022.

Musharaxa Qatar Hamad bin Abdulaziz Al-Kawari, ayaa hadda codadka ugu badan haysta inuu noqdo madaxa UNESCO.

Wuxuuna sheegay inuu ku guulaysanayo kursigan uuna badbaadinayo hayadan dhibaatada kasoo martay muran goboleed iyo lacag la'aan.

Muranka u dhexeeya Masar iyo Qatar ayaa la xariira khilaafka dalalka Khaliijka oo qaybna Sacuudigu hogaaminayo iyo Qatar oo dhinac ah.

Waxayna ku eedeeyeen Qatar inay taageerto kooxaha mayalka adag, Qatar ayaa eedaahaas iska fogaysay.


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now