Ninkii loo qabtay dilkii Ms Aiia Maasarwe oo maxkamad lasoo taagay.

Ninkii lagu eedeeyey dilka Aiia Maasarwe, oo maxkamada lasoo istaajiyay.

Codey Herrmann has been remanded in custody after facing Melbourne Magistrates Court charged with one count of murder and one count of rape.

Codey Herrmann has been remanded in custody after facing Melbourne Magistrates Court charged with one count of murder and one count of rape. Source: Herald Sun

Aiia Maasarawe, oo ah gabadha la dilay ayaa Falastiin kasoo jeeda, iyadoo qoyska gabadha dhalay ay ka mid yihiin dadka lo yaqaano Carabta-Israel, ahna dad Falastiiniyiina oo Israel ku dhex nool.

Gabadhan ayaa waxa ay Australia ku timid araday-isdhaafsi, iyadoo la sheegay in dhanka luqada ay aqoon-koradhsi ka samaynaysay.

Codey Herrmann, oo  20 jira ayaa la sheegay in ay tahay markii oogu hoeeysay oo maxkamad lasoo taago.

Eedaymaha loosoo jeedinayo ninkan dhalinyarada ah ayaa waxa ay tahay in gabadha uu kufsaday kadibna uu dilay, iyadoo gabadha maydkeeda laga helay xaafada Bandoora ee waqooyiga Melbourne ku taala.

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa  waxa ay maxkamada ka codsadeen in faahfaahinta dhacdada dilka gabadha Ms Maasarwe in aan la shaacinin  tan iyo inta loo gudbinayo qoyska  gabadha la dilay.

Qaadiga maxkamada Jonathan Klestadt, ayaa aqbalay codsigaas xeer ilaaliyaasha, taas oo lagu tix galinayo mudnaanta qoyska gabadhu ka geeriyootay.

Maxkamada ayaa mar kale dhagaysan doonta dacwada ka dhanka ah Codey Herrmann, 7 Bisha June, iyadoo markan uu video kaga qeyb galayo.


Share

Published

By Mohamed A Madar

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Ninkii loo qabtay dilkii Ms Aiia Maasarwe oo maxkamad lasoo taagay. | SBS Somali