Hooyo 31 jirta, oo u dhalatay wadanka Shiinaha ayaa waxbarsha la biloowday gabadheeda oo 5 jira.
Haweeneeydan oo la yidhaahdo ShiyawJin, oo laba caruura dhashay, ayaa bishii tagtay gabadheeda yar oo bilaabaysay waxbarashada, ku go’aansatay in ay la biloowdo waxbarashadii dhaaftay markii ay yarayd.
Qisadan oo lagu soo qoray barta Aljazeera, qaybta Carabiga, ayaa waxa laga soo xigtay haweenaydu in ay tiri : Ma danaynayo dadku waxa ay iga aaminsanyihiin, iyadoo dhanka kale sheegtay in gabadheeda, oo ay galaas la fadhiisato in ay faa’iidadeeda shaqsiga ah ka sokoow, in sidoo kale gabadheeda ay faa’iido u tahay, una suurta galinayso in ay si fiican wax u barato.
Haweeneeydan ayaa sheegtay in waxbarasha la’aanteedu ay seejisay shaqooyin badan oo ay codsatay.
Haweenaydan ayaa ku raja weyn in ayna waxbarasha la’aan ku dhicin gabadheeda, si ayna nolasha dhibaatooyin u waajihin.