Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

A tougher citizenship test for migrants wanting to become Australians.

A tougher citizenship test could be on the cards for migrants wanting to become Australians.

Minister for Immigration and Border Protection Peter Dutton at a press conference at Parliament House in Canberra, Wednesday, Nov. 2, 2016. (AAP Image/Mick Tsikas) NO ARCHIVING
Minister for Immigration and Border Protection Peter Dutton at a press conference at Parliament House in Canberra, Wednesday, Nov. 2, 2016. Source: AAP

Wasiirka socdaalka Peter Dutton ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga doodo isbadal balaaran oo lagu sameeyo imtixaanka la mariyo soogalootiga doonaya inay qaataan dhalashada Australia si meesha looga saaro in argagixiso la siiyo dhalasho.

Mr Dutton ayaa laga dhadhansaday inuu doonayo inuu arko in diirada la saaro awooda qofku u leeyahay inuu bulshada Australia dhexgalo.. rabitaanka qofka ee barashada afka Englishka, inay caruurtooda wax baraan, inuu qofku mustaqbalka shaqo heli karo iyo inuu ka madax banaanaan karo inuu ku tiirsanaado lacagta cayrta.

Waxa uu wasiirku joornaalka The Australian u sheegay inuu isagu qabo in dadkii aan qayimkaas la imaan inaysan iska filan inay qaataan dhalsho.

Imtixaanka la mariyo dadka dhalashada qaadanaya oo ahaa mid muran badan dhaliyay ayaa waxaa soo rogay dawladii John Howard 2007, waxaana su'aalaha ka mid ah taariiqda Australia, dadka caanka sportiga ku ahaa, dawlada, juquraafiga iyo dhaqanka Australia.

Dawladii Kevin Rudd ayaa waxoogaa ka badashay imtixaanka labo sano ka dib iyadoo ku dartay waajibaadka madaniga ah iyo masuuliyada saaran muwaadinka.


1 min read

Published

Updated

Presented by Hassan Jama

Source: SBS News


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now