Gudoomiyaha baarlamaanka Puntiland ayaa loo doortay Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) , isagoo helay wareeggii labaad ee doorashada 43 cod, halka Cabdi Jamaal Cismaan, oo ahaa musharraxii wareegga labaad kula tartamay uu helay 23 cod.
Xildhibaan Xusseen Yaasiin Xaaji Diiriye, oo ahaa gudoomiyihii ku meel gaadhka ahaa ee baarlamaanka dawlad gobaleedka Puntiland ayaa natiijada ku dhawaaqay.