Bulshada Afrika kasoo jeeda ee Gobalka Victoria, ayaa markii oogu horaysay yeelatay Gudi Hawleed kala shaqaynaysa Bilayska xal u helida dhalinta da'ada yar ee bulshada kasoo jeeda ee danbiyada gala..
Gudidan ayaa asaaskeedu kasoo baxay, kulan ay hogaamiyaalka Bulshada Afrika ay la yeesheen Madaxa Bilayska Gobalka Victoria Graham Ashton.
Kulanka markuu dhamaaday ayaa Madaxa Bilayska Vitoria Graham Ashton, uu ku dhawaaqay in Gudi Hawleed bulshada afrika ay yeelanayso in la dhisay, iyadoo gudidaasi ay bilayska kala shaqayni doonto wax ka qabadka da'a-yarta danbiyada galaya.
Gudi Hawleedka Bulshada Afrika ee Gobalka Victoria, ayaa kulankoodii oogu horeeyay, oo ay la qaadanayaan bilayska Victoria, waxa uu qabsoomi doonaa maalinka Jamcaha 12/01/2018.
Gudidan ayaa hawlaheeda waxaa kamid noqon doona, in ay bilayska ku biiriyaan xogaha loo baahanyahay, lana yeeshaan xidhiidh xoogan oo toosa bilayska Victoria.
Arinta dhalinta kasoo jeeda Afrika ee danbiyada gala, ayaa qabsatay baryahan hadal haynta siyaasadeed, balse haatan ay dhashay gudidan la dhisay, taas oo bilayska Victoria iyo hogaamiyaalka bulshooyinka Afrika ee Victoria ay rajooyin badan ku xidhayaan in ay midha dhal fiican yeelato, dhanka wax ka qabadka dhalinta da'ada yar ee danbiyada gala.