Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Gudi Hawleed, bilayska la shaqayni doonta, oo bulshooyinka Africa ee Victoria ay dhisteen.

Gudi Hawleed, bilayska la shaqayni doonta, oo bulshooyinka Africa ee Victoria ay dhisteen.

An African community leaders speaks to the media and Victorian Chief Police Commissioner Graham Ashton during a press conference
An African community leader Kot Monoah speaks to the media alongside and Victorian Chief Police Commissioner Graham Ashton Source: AAP

Bulshada Afrika kasoo jeeda ee Gobalka Victoria,  ayaa markii oogu horaysay yeelatay Gudi Hawleed kala shaqaynaysa Bilayska  xal u helida dhalinta da'ada yar ee bulshada kasoo jeeda ee danbiyada gala..

Gudidan ayaa asaaskeedu kasoo baxay,  kulan ay hogaamiyaalka Bulshada Afrika ay  la yeesheen Madaxa Bilayska Gobalka Victoria Graham Ashton.

Kulanka markuu dhamaaday ayaa Madaxa Bilayska Vitoria Graham Ashton, uu ku dhawaaqay in Gudi Hawleed bulshada afrika  ay yeelanayso in la dhisay, iyadoo gudidaasi ay bilayska kala shaqayni doonto wax ka qabadka da'a-yarta danbiyada galaya. 

Gudi Hawleedka Bulshada Afrika ee Gobalka Victoria, ayaa kulankoodii oogu horeeyay, oo ay la qaadanayaan bilayska Victoria, waxa uu qabsoomi doonaa maalinka Jamcaha 12/01/2018.

Gudidan ayaa hawlaheeda waxaa kamid noqon doona,  in ay bilayska ku biiriyaan xogaha loo baahanyahay, lana yeeshaan  xidhiidh xoogan oo toosa bilayska Victoria.

 Arinta dhalinta kasoo jeeda Afrika ee danbiyada gala, ayaa qabsatay baryahan hadal haynta siyaasadeed, balse haatan ay dhashay gudidan la dhisay, taas oo  bilayska Victoria iyo hogaamiyaalka bulshooyinka Afrika  ee Victoria ay  rajooyin badan ku xidhayaan in ay midha dhal fiican yeelato, dhanka wax ka qabadka dhalinta da'ada yar ee danbiyada gala.


2 min read

Published

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now