Dagaal culus ayaa ka bilowday maanta oo isniin ah magaalada Balad Xaawo oo ku taal xadka u dhexeeya Kenya iyo Somaliya kadib markii Al-Shabaab ay gaari ismiidaamin ah qarxiyeen ayna weerar ku qaadeen sladhig milatari oo halkaas ahaa sida afhayeen u hadlay kooxdan uu u sheegay Reuters.
Kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay dishay 24 askari laakiin saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in 10 askari kaga dhimatay weerarka.
Mohamed Abdullahi oo ka tirsan ciidanka ayaa sheegay inay ku waabersadeen gaari qarxay isagoo intaa ku daray inay magaalada ka saareen kooxda Al-shabaab ayna ka dileen 7 ka mid ah.
Tirada dhimasho ee labada dhinac ayay u badan tahay inay sii kororto.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku wali siisocdo.
Suleiman Nur oo dukaan ku leh ayaa Reuters u sheegay inuu markii hore maqlay qarax wayn ka dibna xabado lays dhaafsanayay.
“Al Shabaab waxay qabsatay saldhigii milatariga, xaruntii booliska iyo magaalada inteeda badan" ayuu ku daray.