Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Al-Shabaab oo weerartay Balad Xaawo

Somali government soldiers in Afgoye
At least 15 people have died in clashes in the town of Afgoye in southern Somalia. (AAP) Source: AAP

Dagaal culus ayaa ka bilowday maanta oo isniin ah magaalada  Balad Xaawo oo ku taal xadka u dhexeeya Kenya iyo Somaliya kadib markii Al-Shabaab ay gaari ismiidaamin ah qarxiyeen ayna weerar ku qaadeen sladhig milatari oo halkaas  ahaa sida afhayeen u hadlay kooxdan uu u sheegay Reuters.

Kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay dishay 24 askari laakiin saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in 10 askari kaga dhimatay weerarka.

Mohamed Abdullahi oo ka tirsan ciidanka ayaa sheegay inay ku waabersadeen gaari qarxay isagoo intaa ku daray inay magaalada ka saareen kooxda Al-shabaab ayna ka dileen 7 ka mid ah.

Tirada dhimasho ee labada dhinac ayay u badan tahay inay sii kororto.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku wali siisocdo.

Suleiman Nur oo dukaan ku leh ayaa Reuters u sheegay inuu markii hore maqlay qarax wayn ka dibna xabado lays dhaafsanayay.

“Al Shabaab waxay qabsatay saldhigii milatariga, xaruntii booliska iyo magaalada inteeda badan" ayuu ku daray.

 


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now