Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Al-Shabaab kills 8 village elders

Islamist militants have beheaded eight Somali village elders and killed at least seven other people during fighting spurred by a dispute over payment of an Islamic tax, a villager and a local official said on Wednesday. Villagers in the semi-autonomous region of Galmadug in central Somalia also killed 10 militants during three days of fighting, the villager said, adding that Somali authorities had provided no help or support.

Somali government soldiers in Afgoye
At least 15 people have died in clashes in the town of Afgoye in southern Somalia. (AAP) Source: AAP

Mintdiinta Al-Shabaab ayaa 8 odayaal ah qoorta kaga jaray sidoo kalan dilat 7 qof oo kale mar uu dagaal dhexmaray iyaga iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa ka dhashay muran ku saabsab Zakaatka ay Al-Shabaab ka qaadaan dadka ku nool goobaha ay ka taliyaan sida laga soo xigtay sarkaal deegaanka ah maalintii Arbacada ahayd.

Dadka degan tuulooyin ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sidoo kale dilay 10 ka mid ah kooxda Al-Shabaab intii uu socday dagaalku mudo sadex maalmood ah..

Ninka ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay inay Al-shabaab ku amreen inay xoolo Zakaa bixiyaan ayan diideen sidaasna dagaalku ku bilowday. Nur Abdullahi oo dadka deegaanka ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay inay maalintii u horeysay 10 ka dileen Al-Shabaab.

Wuxuu kaloo sheegay in Al-Shabaab ay soo weerareen 5 tuulo ayna qoorta ka jareen 8 oday dhaqameed ayna sidoo kale toogteen 7 qof oo kale Isniintii iyo Talaadadii.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab jartay telefoonadii.. " Xabadii ayaa naga dhamaatay, waxaa naga go'ay biyihii iyo cuntadii, duurka ayaa galay, Galmudug iyo dawlada federalka midna namasoo taakulayn ayuu intaa ku daray"

Kooxda Al-shabaab ayaan ayaan iyagu wax hadal ah kasoo saarin warkan laakiin waxaa xaqiijiyay saraakiil deegaanka ku sugan.

Xigasho Reuters


2 min read

Published

Updated

Presented by Hassan Jama

Source: Reuters


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now