Kooxda Al Shabaab ayaa dib ula wareegay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ciidammada Itoobiyaanka ee halkaa ku sugnaa ay isaga bexeern.
Ciidanka Itoobiya ayaa deegaankaas ku sugnaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay.
Nuur Xasan Guutaale oo ah gudoomiyaha degmada Ceelbuur ayaa warbaahinta u sheegay inay arin naxdin leh ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee defmada.
Ciidanka kooxda Al-Shabaab ayaa lagusoo waramyaa inay gudaha u galeen magaalada Ceelbuur.
Ciidamada Itoobiya ayaa seedax sano ka hor magaaldaasi kala wareegay kooxda Al-shabaab.
Kooxda Al-shabaab ayaa bishii september ee sandkii lasoo dhaafay la wareegtay deegaanka Moqori ee gobolka Hiiraan markay isaga bexeen ciidanka Itoobiya.
Sababta ay ciidanka Itoobiya uga bexeen deegaanadaas ayaan la ogayn.
Mana jiraan war ka soo baxay saraakiisha AMISOM iyo kuwa Itoobiya ama kuwa Soomaalida oo ku aadan ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee Ceelbuur