Raiisel wasaare Anthony Albanese ayaa sheegay inuu rajaynayo in dadka Australiyaanka ah ay diiradda saari doonaan waxa su'aashu tahay, halkii ay ka faalloon lahaayeen sida dadku u codayn doonaan, marka ay ka codeeyaan aftida codka dadka asaliga ah.
Waxay ku soo beegantay iyadoo codbixinta Resolve ay muujinayso taageerada xooggan ee codbixinta 'maya' ee WA, Queensland, South Australia iyo NSW.
Aftida ayaa u baahan doonta aqlabiyada codbixinta guud iyo aqlabiyada gobolada Australia ee taageerada “haada” si loo meel mariyo aftida.
Raysul Wasaar Albanese ayaa maruu ka hadlayey arintan waxa uu yidhi :
[[Anigu kaliya waxa aan dadka ku boorinayaa in ay akhriyaan su’aasha. Ha akhrinin faalada hadii aadan u jeedin “haa” ama “maya”. Qof xog-ogaala noqo, go’aankana adigu qaado. Go’aanka shacabka Australia waa la tixgalin doonaa. Balse wax mudnaana ma siinayo dadka dhahaya waxba ha ogaanin ee go’aan iska qaado adoon waxba ogeyn]]
Raysul Wasaaraha ayaa Arbacada (30/08/2023) shaacin doono maalinta aftida laqaban doono.