Albanese oo shirka Tokyo siyaasad taxadar leh kaga qaybgalay.

Raysul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa ka qaybgalay shirka Indo-Pacific-ga ee Tokyo ka dhacay. RW ayaa shirkan tagay isla markii la dhaariyey. Shirka dhinacyada isugu yimid waxey kala yihiin Japan, Maraykan, Australia iyo India.

QUOD

Source: AAP Image/The Yomiuri Shimbun via AP Images

Anthony Albanese Raysul Wasaaraha Australia ee waqtiga dhaw ladoortay ayaa ka qayb galay kulanka “Indo-Pacific” ee Tokyo ka furmay, tan oo noqoneysa shaqadiisii ugu horeysay ee xidhiidhka dibada, Kulankan oo isu keeney Maraykanka, Japan, Australia iyo India.

Raysul wasaaraha ayaa kulanka Tokyo ka dhacaya uga dhiganyahay in uu dhaxda uga dhacay qorshaha uu Maraykanku ku abuurayo kulamo xulafeysiya oo uu kaga hortago awooda Shiinaha ee dhanka Pacific-ga, taasna Maraykanku uu kala mideysanyahay Australia .

Raysulwasaaraha ayaa ololihiisii doorashooyinka ku eedeynayey isbaheysigii talada hayey ee Scott Morrison hogaaminayey in ay pacific-ga siyaasadoodu ka gaabisay, isagoo isbadal balanqaaday dhanka Pacific-ga iyo dhanka Shiinahaba.

Balse shirkan oo maraykanku uu dhanbaalo kulul shiinaha uga tabiyey, shiinuhuna jawaaba la mida diray ayaa ka dhigaya Albanese inuu xirfad dublamaasiyadeed adeegsado si uusan dhana u dhaawicin, sababtuna ay tahay in xawaaraha siyaasada Maraykanku ku socoto ee dhanka ka hortaga awooda shiinaha in xawaara kaa la mida Australia ayna beegsan karin sababa jira awgood.

Shiinaha ayaa dhankiisa xiligii ololaha doorashada Australia muujiyey in ay rajo ka qabaan in hadii isbahaysiga laga guuleysto, in ay odorasayaan in xidhiidhka kala go’an ee labada wadan  in ay isbadal dhanka wanaaga ah rajaynayaan.

Shiinuhu iyagoo taas daba socda, ayey si rasmiya ugu hanbalyeeyeen Mr Albanese, isagoo Shiinaha ka helay qoraal rasmiya oo loogu hanbalyeynayo guusha Laborku ku guuleystay doorashadii Australia, iyadoo lagu sheegay warqada taariikhda  Laborka ee ay Shiinaha wadaageen ee wanaagsaneyd.

Warqada ayaa sidoo kale lagu xusay “in dhinaca Shiinuhu uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo dhinaca Australia si ay dib u eegis ugu sameeyaan wixii la soo dhaafay, u eegaan mustaqbalka iyo in ay dhawraan mabda'a ixtiraamka labada dhinac iyo faa'iidada wadaagga ah, si kor loogu qaado si joogta ah kobaca jireenka ah ee iskaashigooda istaraatiijiyadeed ee dhamaystiran, ".

Jawaabta uu Albanese ka bixiyey hanbalyada Shiinaha ayaa aheyd mid uu aad isaga ilaaliyey in uu u muuqdo in shiinaha uu soo dhaweyn u muujinayo, isagoo sidoo kalena iska ilaaliyey in uu adeegsado hadal xanaf leh, waxa uuna ku jawaabay “ Waxaan soo dhaweynayaa dhammaan hambalyooyinka ka imaanaya adduunka oo dhan. Waxaan uga jawaabi doonaa si ku habboon markaan ku soo laabto Australia,”.

Shirka Indo-Pacific-ga ee Tokyo ka dhacay ayaa dhankiisa shiinuhu isha ku hayaa, isagoo dareensan in inta badan go’aamada kasoo bixi doona ay yihiin kuwo kadhana danihiisa, maadaama maraykanku uu gadhwadeen ka yahay, saaxiib jireenana uu u yahay Taiwan oo Shiinuhu aaminsanyahay  in ay tahay dhul Shiinaha ka mida.

Raysul Wasaare Albanese, waqtigii uu shirka kusii jeeday ayaa waxa uu sheegay in uu kulankaas ku warglain doono in Australia maamulkii is badaley – macna ahaana hadalkaa laga dheehan karo in siyaasadii xukuumadiii dhacdey uusan xanbaarsaneyn - sidoo kalena waxa uu shirka markii uu tagay qaatay martigalinta shirka Indo-Pacific-ga ee sanadka danbe 2023, talaabadan oo uga dhigan in kulanka afar geesoodka ah dardar galintiisa uu qayb libaas ka qaato.

 


Share

Published

Updated

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand