Ali Khalif Ali Shire oo 23 jir ah ayaa qirtay bishii May sanadkii lasoo dhaafay hal dacwo oo ahayd inuu diyaarinayay weerar argagixiso.
Wiilkan ayaa lagu soo oogay dacwo ah inuu qorshaynayay weerar argagixiso oo lagu qaado Federation Square oo ku taal barmaha Melbourne xiliga loo dabaadegayo sanadka cusub.
Ali Khalif Shire ayaa lagu xukumay 10 sano xabsi ah.
Booliska ayaa sheegay inay ka hortageen weeraka iyagoo xiray Ali bishii November 2017 kadib ilaalo ay ka hayeen wiilkan mudo bilo ah.
Xaakinka maxkamada sare oo xukunka riday maanta oo bisha May tahay 21 John Champion ayaa ku amray Ali inuu xabsiga ku jiro ugu yaraan 7 sano iyo bar ka hor inta aan loo ogolaan in damaanad lagu siidaayo.
Xaakin Champion ayaa ku tilmaanay qorshaha weerarka "Fal wuxuushnimo ah".
Ali ayaa wuxuu la dhashay Hassan Khalif Ali Shire oo November 2018, 3 qof tooray la dhacay halkaasna ku dilay Sisto malaspina oo maqaayad ku lahaa Bourke Street oo ah bartmaha Melbourne ah.
Xigasho: ABC