Macluumaadka aad uga baahan tahay tallaalka COVID-19 iyo tallaal-xoojiyaha oo dhan

Iyadoo ay falcelinta Australia ee COVID-19 weli socota, nooca Omicron-na soo baxday, ayaa waxaa dhinaca kalena ka si xawli ah uga socda dhiirri-gelinta qaadashada tallaal xoojiyaha (booster shot). Halkan ka akhriso macluumaadka aad uga baahan tahay oo dhan.

The Coordinator General of Operation COVID Shield Lieutenant General John Frewen receives his COVID-19 vaccination booster dose at Erindale Pharmacy in Canberra, Tuesday, December 14, 2021. (AAP Image/Lukas Coch) NO ARCHIVING

The Coordinator General of Operation COVID Shield Lieutenant General John Frewen receives his COVID-19 vaccination booster dose in Canberra. Source: AAPAAP Image/Lukas Coch

Heerarka tallaallada dowlad-goboleedyada iyo territory-yada Australia oo guud ahaan sarreeya ayaa sabay in dib loo bilaabo socdaalka caalamiga ah iyo in la qaado xayiraadihii COVID-19. Taas ayaana laga dhaxlay in la filayo in tirooyinka o kiisasku ay kor u kacaan, iyadoo madaxda caafimaadkuna dadweynaha ugu baaqayaan inay qaataan duritaanka tallaal xoojiyaha (booster shot), Omricon-ta halista ah iyo Delta oo sii faafaya awgeed, si ay u xoojiyaan nidaamka difaaca jidhkooda.

Tignoolajiyada tallaalka  tallaalada xoojiyeyaashu waxay la mid tahay duritaankii hore iyo kii labaad ee tallaalka COVID-19

"Xoojiyayaashu aad bay muhiim u yihiin bixinta difaac dheeraad ah, gaar ahaan gaar ahaan marka oo ay suurta gal tahay in coronavirus-ta xuub siibatey ee Omricon ku fiddo adduunka oo dhan." Xoghayaha Waaxda Caafimaadka, Brendan Murphy, ayaa yidhi sidaa.

 

Ololaha Tallaal-xoojiyaha 

Wasiirka Caafimaadka ee Federaalka, Greg Hunt, ayaa horaantii Disembar dalka oo dhan ka  bilaabay olole tallaal-xoojin ah ka hor xilliga chrismaska, waxaana dadka Australiyaanka ah lagu booriyay inay duritaanka xoojiyaha u qaataan sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogal ah iyada oo laga walaacsan yahay in dad badan oo labadii tallaal ee horeba qaatay laga yaabo in aanay difaacoodu ku filnayn. 

Sababtaa awgeed ayay Australian Technical Advisory Group on Immunisation (ATAGI) qaadahshada xoojiyaha hore uga soo dhigeen d muddadii hore loogu qabtay oo ahayd lix bilood iyagoo ka dhigay shan bilood oo kasoo wareegtab tallaalkii ugu dambeeyey ee COVID-19

Illaa 1.5 malyan oo Australiyaan ah ayaa hadda si dhakhso ah u heli kara duritaankooda xoojiyaha.

ATAGI waxay kale iyana u ansixisay tallaalka Moderna  in loo isticmaalo xoojiye ahaan sida Pfizer oo kale.

Dowladda federaaka iyo dowlad-goboleedyaduna waxay hadda waddanka ka bilaabeen ololeyaal kala duwan oo xoojiyaha ku saabsan (booster) kuwaas oo dadweynaha lagu dhiirri gelinayo inay qaataan durtaanka xoojiyaha



Duritaan xoojiyaha ee dadka waayeelka ah  

 La taliyayaasha dowladda ayaa sheegay in dadka da'doodu tahay 70 sano iyo wixii ka weyn, kuwa jira 65 sano iyo ka weyn ee qaba xaalado caafimaad oo daba-dheeraaday ay halis ugu jiraan jirro daran haddii ay coronavirus ku dhacdo. Waxaa kuwaa la mid ah dadka nidaamka difaaca jirkoodu daciif yahay iyo dadka Aborijinalka iyo Torres Strait Islander-ka ah, kuwa da'doodu tahay 50 sano iyo ka weyn ee leh xaalad caafimaad oo dabadheeraatay.

Tiro-koob  ay sameeyeen waaxda caafimaadka federaalku ayaa muujisay in tan iyo Jannaayo 2020-kii ay  1,910 Australiyaan waayeel ahi u dhinteen COVID-19.
PM Morrison received his COVID-19 booster vaccination with elderly Jane Malysiak in NSW.
PM Scott Morrison received his COVID-19 booster vaccination alongside Jane Malysiak in NSW. Source: SMH POOL
Khatarta caabuqu waxay si gaar ah ugu sarraysaa noocyada xuub siibtey ee Omricon iyo Delta, tallaalka oo la qaataana waxay hoos uu dhigtaa fursadda jirro daran ama dhimasho ka timaadda fayrasta. 

Dadka Australiyaanka ah ee waayeelka ayaa ka mid noqday kuwii ugu horreeyay ee qaatay tallaalka xoojinta. 

Dadka Australiyaanka ah ee ka weyn da'da 18 ayaa iyaguna xaq u leh inay helaan mid ka mid ah tallaallada xoojiyaha ee ay dawladdu ansixisay. 

Dadka degan xarumaha daryeelka dadka waayeelka ahi waxay talaalkooda hordhaca ah iyo kuwa xoojinayaba ka qaadan karaan xarumaha caafimaadka ee Commonwealth-ka 

Howl-wadeennada xarrumaha waayeelku deggan yehiin ayaa ballanta tallaalka xoojiyaha kala hadli doona waayeelka ama qofkii/ciddii waayeelku magacawday. 

Talo dheeraad ah oo ku saabsan tallaalka dadka waayeelka ah ee deggan xarumaha waayeelka halkan karaadi ama ballan ka samayso halkan

Tallaalka Carruurta

Hay’adda Therapeutic Goods Administration iyo ATAGI ayaa si ku-meel-gaadh ah u ansixiye tallaalka Pfizer ee carruurta da'doodu u dhaxayso shan iyo 11 jir.

ATAGI ayaa bayan ku sheegtay in oggolaanshahani ku salaysan yahay natiijooyinka tijaabo caafimaad oo dhowaan la sameeyay oo muujinaysa in tallaalku aad waxtar u leeyahay iyo in inta badan waxyeellooyinka dadbani fudud yihiin. 

Ballamaha duritaannadu waxay bilaaban doonaan laga bilaabo Janaayo 10, 2022.

Duritaannada waxaa laga heli karaa GP-yada, Adeegyada Caafimaadka dadka Aboriginal ah, farmashiyeyaasha bulshada, iyo xarumaha caafimaadka ee dowlad-goboleedyada iyo territoriga.
child vaccinated
Vaccinating children can help reduce community transmission and prevent them passing the virus onto the wider community. Source: Getty Images
ATAGI waxay ku talisay in siddeed toddobaad u dhexeeyo labada duritaan ee tallaalka, laakiin waa lasoo gaabin karaa, iyadoo laga dhigayo saddex toddoobaad, bay yidhaahdeen, hadii dib-u-qara kale dhaco oo laga maarmi waayo. 

Carruurta da'dooduu u dhexayso 5 illaa 11-jir una nugul jirro daran , carruurta  Aborjunal-ka iyo Torres Strait Islander-ka, iyo carruurta ku nool xaalado ciriiri ah ama meelaha firastu ka dillaacday, ayay u badan tahay inay ka faa'iideystaan ​​​​ tallaalka COVID-19. 

Carruurta da'daa jirta, horena ay uu ugu COVID-19 waxay tallaalka qaadan karaan ka dib marka ay kasoo bogsadaan jirrada. 

Qiyaasta daawada tallaalka carruuta ee lagu taliyey way ka duwanaan doontaa tan la siiyo dadka waaweyn, waxayna ka bilaabmi doontaa 10 microgram marka la bar-bar dhigo inta aya qaataan dadka ah 12 jir ama ka weyn oo ah 30 micrograms.

Carruurta ka dib marka aya duritaanka hore qaataan da’doodu noqoto 12 jir, waxaa laga yaabaa in duritaankooda labaad looga dhigo si ay dhammays tirtaan wareegga koowaad ee tallaalkooda. 

Xaggee baan ka helaa kaalmo 

Ka dib markaii Wold Health Organisation – WHO ay Omricon ku sheeggeen mid walaac leh, ayaa dowladda federaalka ahi cusboonaysiisay dadaalkeeda ku aaddan wacyi-gelin ku saabsan tallaal xoojiyaha (booster shot).
International students return to Australia
Booster doses provide an added layer of protection. Source: AAPAAP Image/Bianca De Marchi
Kaaliyaha Koowaad ee Xoghayaha COVID-19 Primary Care Response, Dr Lucas De Toca ayaa sharraxay sababta duritaannada xoojintu ay muhiim u yihiin xataa markii daaweyn kale la heli karo

Nasiib xumo ma jiro wax keliya oo si kama dambays ah loogu daaweyn karo COVID-19” ayuu yidhi Dr Lucas.

Tallaal-xoojiyaha waxaa la qaadan karaa marka shan bilood laga joogo tallaalkii labaad ee ugu dambeey. Taariikhdaana waxay ku qoran tahay oo laga heli karaa shahaadada tallaalka ee qofka la siiyo.

Ballamaha tallaalada oo dhan oo ay ku jiraan kuwa carruurta, waxaa laga bilaabo 15 December laga dhigan karaa vaccine clinic finder.

Xannibaadaha hadda ka taagan gobolkaaga waxaad kala socon kartaa restriction checker

Haddii aad u baahato macluumaad ku saabsan COVID-19, wac 1800 131450 si ay hay’adda Australian Translating and Interpreting Services (ATIS) kuugu xirto turjubaan luqaddaada ku hadlaya.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tallaalada COVID-19 iyo ballamahana, wacan telephone kaalmada ee qaranka 1800 020 080

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan COVID-19, waxaa laguu soo jeedinayaa inaad la xidhiidho dhakhtarkaaga ama xirfadle caafimaad. 

Si aad u hesho Wararkii ugu dambeeyey ee talooyinka tallaalka ee iskasoo dabo-caya booqo SBS Coronavirus Portal kuna akhirso luqaddaada.

 

 


Share

Published

Updated

By Vrishali Jain
Presented by Abdinur Ismail

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand