Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Alshabaab oo weerar is-miidaamina la beegsaday degmada Galcad.

Ururuka Alshabaab ayaa saaka arooryadii weerar is-miidaamina la beegsaday degmada Galcad ee gobalka Galguduud.

Al-Shabaab

(File: AAP) Source: AAP

Sida warar xog-ogaala ay xaqiijiyeen, Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ayaa saaka aroortii weerar la beegsaday degmada Galcad ee gobolka Galguduud.

Alshabaab ayaa barta internetka ay ku leeyihiin ku daabacay war ay ku sheegayaan in ay qabsadeen magaalada Galcad, iyagoo adeegsaday weeraro qaraxyo ay ku bilaabeen, iyagoo la sheegay in ay laba baabuur oo miineysan ay la beegsadeen saldhigii ciidamada dowlada ee degmada ku yaalay.

Khasaaraha dagaalkaas kasoo gaadhay dhanka dowlada ayaa wararka hordhaca ahi waxa ay sheegayaan in weerarkaas lagu dilay taliye kuxigeenkii ciidanka Danab Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure).

Sargaalkan ay Alshabaab qaraxa ku dileen ayaa kamid ahaa sharaakiisii udub dhaxaadka u ahaa hawlgaladii deegaano badan looga xoreeyey Alshabaab.

Alshabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay weeraro la beegsanayey goobaha laga qabsaday, iyagoo weeraray deegaannada ay ka mid yihii Xawaadley, Hilowle iyo Gaab.


1 min read

Published

Source: SBS


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now