Shir-madaxeedkii Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo barito dhacaya.

Shir-madaxeedkii Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo barito dhacaya.

 combo file picture shows North Korean leader Kim Jong-Un (L) and US President Donald J. Trump (R).

Source: AAP

Shakigii qabsoomida shirka.

Shir madaxeedkii labada wadan,  Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ee labadooda madaxweyne ay isku arki lahaayeen, ayaa haatan qabsoomidiisu ay ka baxday xaaladii shakiga ahayd ee ku hareeraysnayd, kadib markii  madaxeynaha Maraykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un,  ay ka dageen wadanka Singapore labadooduba maalintii Axada 10 June 2018.

Gudiyada gogalxaadhka ahaa ee labada dhinac ayaa iyagu maalma ka hor kusii sugnaa wadanka Singapore, halkaas oo ay kulama taxana ah ay yeesheen, si ay u diyaariyaan ajandaha wadaxaajoodka ee labada madaxweyne.

Shirkan oo isagu qabsoomaya sida lagu balamay  Talaadada barito ah ( 12 June2018 ) , ayaa waxaa xooga lagu saari doonaa soo afjarka hanqaltaagii ay Kuuriyada Waqooyi ugu socotay in ay ku biirto  dalalka hantiyay awooda Nukliyeerka.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo Kuuriyada waqooyi bahda aduunku ay go’odoomisay, cunaqabatayn xoogana la saaray, kadib markii Kuuriyada Waqooyi, ay samaysay silsilado tijaabooyina oo is xigay, ayna ku samaynaysay gantaalada ridada dheer ee ay oogu socotay in ay hanato hubka Nucliyeerka, iyadoo sheegatay -  kadib markii ay gantaala dheereeya tuurtay   -  in ay ku biirtay dalalka nukliyeerka leh, ayna beegsan karto hada wixii ka danbeeya cariga Maraykanka meelkastoo ka tirsan.

Saamaynta cunaqabataynta aduunku saaray Kuuriyada Waqooyi, iyo sidoo kale xidhiidha diblomaasiyadeed oo labada Kuuriya ay wada yeesheen, iyo Shiinaha oo si hoose oogu jiray xaalada, ayaa loo aanaynayaa in ay sababa toosa u yihiin, in ay ogalaato Kuuriyada Waqooyi, in ay ka tanaasusho usuxulduubkeeda hanashada nukliyeerka, iyadoo taas dhaafsanaysa in cunaqabtayntana laga qaado, ayna hesho damaanaqaad ku saabsan in Maraykanku ayna ku haynin wadankeeda wax khatara dhanka ciidan, loona ogalaado awoodaha nukliyeerka ee ay wadaty in ay u adeegsato dhanka rayidka.

Kulankan dunidu maxay ka sugaysaa.

Bahda aduunka ayaa u aragta in kulankani uu noqon karo mid natiija wanaagsan keena, waa hadii lagu guulaysto in Kuuriyada Waqooyi, lagu qanciyo ka laabashada fikirka hanashada Nucliyeerka, balse dhinaca kale, dunidu waxa ay aad diirada ugu haysaa labada masuul Trump iyo Kim, oo lagu bartay in ay yihiin laba nin oo aan diblomaasiyadooda lagu kalsoonaan Karin, ayna suura gal tahay in ay go’aama lama filaana si degdega ku qaataan, iyadoo la og yahay in mar hore shirkan lagu baaqay in uu baaqday, sababa la xidhiidha shaki labada masuul ay kala qaadeen, balse markii danbe lagu  guulaystay in dib loo badbaadiyo shirka.

Kaalinta Singapore

Dhinaca kale, wadanka Singapore ayaa iyaguna ku jira hawl-fududaynta kulankan, iyagoo isku dayaya in shirkani uu ku qabsoomo jawi suura galinaya in wadaxaajood la turxaan bixiyay uu dhex maro labada dhinac, kaasoo laga sugayo natiijooyin wax ku oola.

Maxaa ka danbeeya shirkan.

Shirkan ayaa hadii uu guulaysto, keeni kara wadaxaajoodyo dhamaystira oo sii socda, iyadoo uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, uu ku baaqay in hadii shirkan biloowga ah uu guulaysto, in ay suuragal tahay in uu hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi ku martiqaado Aqalka-cad.

 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand