Afhayeenka Gudiga Badbaadada ee arimaha markabkii Iran laga lahaa “Sanji” ee xeebaha Shiinaha ku gubanayay, ayaa sheegay in ayna jirin wax raja ah oo ku saabsan in nolal lagu helo dadkii markabka saaraa.
Markabkan ayaa isagu ku gubanayay, mudo todobaad ka badan, meel biyaha bada kaga aadan xeebaha Shiinaha, Kadib markii ay isku dheceen markab badeeca siday, oo laga leeyahay dalka Shiinaha.
Waxaa lagu soo waramayaa in ilaa iyo haatan la helay kaliya maydadka sadex ka mida dadkii markabka saaraa, iyadoo lagu la’ayahay 29 kii kale.
Warar laga soo xigtay wakaalada wararka ee Shiinaha ayaa sheegay, in markabka Shidaalka ee Iran uu gabi ahaanba dagay maalintii Axada aheyd 14/01/2018, kadib markii uu mudo todobaad ka badan gubanayay.
Markabkan oo ay Lahayd Sharikada Maraakiibta Qaranka ee Iraan, ayaa isagu shidaal u siday dalka Kuuriyada Koonfureed, iyadoo dusheeda ay saaraayeen 32 qof, dhamaantoodna ay Shaqaale ka ahaayeen markabaka, iyadoo 30 ay u dhasheen dalka Iran , halka 2 qofna ay u dhasheen wadanka Bangaladheesh.