Anthony Albanese oo loo dhaariyey Raysul Wasaaraha Australia ee 31 aad.

Doorashadii Australia ee Sabtidii 21/05/2022 dhacdey, waxaa ku guuleystey Xisbiga Laborka. Anthony Albanese ayaa maanta Isniinta loo dhaariyey in uu noqdo Raysul Wasaarihii 31aad ee Australia.

PM with interim ministers- Monday, May 23, 2022.

Australian Prime Minister Anthony Albanese with interim ministers. Source: AAP

Hogaamiyihii mucaaradka ee Xisbiga Labor-ka Australia Anthony Albanese, ayaa saaka isniinta  (23/05/2022)  loo dhaariyey in uu noqdo Raysul Wasaaraha Australia ee 31 aad, kadib markii xisbiga uu hogaaminayo uu dhigay guul taariikhi ah.

Dhaarta ka dib Anthony Albanese ayaa safar shaqo ugu kicitamey wadanka Japan, halkaasoo wadaxaajood uu kula leeyahay hogaamiyaasha wadamada Maraykanka, Japan iyo India.

Safartan ayaa waxaa Raysul Wasaaraha ku weheliya Wasiirka arimaha dibada Penny Wong, oo ka mida  masuuliinta safka hore  ee saaka la dhaartay Raysul Wasaare / Anthony Albanese, iyadooy ka mid ahaayeen masuulinta kala ah Kuxigaha Raysul Wasaaraha Richard Marles, Jim Chalmers,  Khasnad Hayaha xukuumada iyo Katy Gallagher, wasiirka Ganacsiga.

Sababa la xidhiidha Safarta Raysul Wasaaraha ee kadiska ah, Wasaaradaha xukuumadiisa ka dhiman waxaa loo kala qaybiyey in ay hawlwadeen kasii ahaadaan masuuliinta la dhaaratay Raysul Wasaaraha, siina hayn doona inta laga dhaarin doono wasiirada kale ee xukuumada marka uu Albanese soo laabto.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Anthony Albanese oo loo dhaariyey Raysul Wasaaraha Australia ee 31 aad. | SBS Somali