Andrew Broad oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Nationalka ayaa iska casilay jagada wasiirnimo isagoo iscasilaad waydiistay hogaamiyaha xisbiga Michael McCormack kadib markii ay soo baxeen eedo ah inuu isticmaalay website lagula xariiro gabdho dhalinyar isagoo safar shaqo ku jira.
Laakiin Mr Broad ayaan iska xasilin xildhibaanimada. Waxaa lagasoo doortay kursiga Victoria ee Mallee.
Mr Broad ayaa laftigiisu isu diray in federal boolisku baaraan eedaha loo haysto.
Mr McCormack ayaa sheegay in xisbiga aysan arintan waxba yeelayn.
(("Waan aqbalay isacailaadiisa. Wax sax ah ayuu sameeyay. Hadda waa inaan diirada saarno shacabka noo baahan oo nasoo doortay ama ha noqoto kuwa degan Mallee ama meel kale waa inaan xaqiijino in loo shaqeeyo."))
Iscasilaada ayaa imanaysa maalin kadib markii ay soo baxday in shaqaale u shaqeeya Senator Barry O'Sullivan oo xisbiga Nationlka ka tirsan uu fariin teelfon oo hadalo cay ah u diray gabar suxufiyad ah.
Qofkii fariinta diray ayaa shaqada laga joojiyay inta baaritaanku socdo.