At least four people killed after clashes in Puntland parliament

Puntalnd leaders

Source: Puntland State house Facebook

Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidammo ilaalo u ahaa xarunta Baarlamaanka iyo ciidammo kale ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 4 qof. Iska horimaadka ayaa ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland.
 
Taliyaha booliska Puntland, Gen Muxiyadiin Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka tagay goobta ay baarayeen warar sheegayay in ciidamo maleeshiyaad ah baarlamaanka la keenay.
 
Taliyaha ayaa sheegay inay socdaan qorshe ciidanka xarunta jooga looga saarayo si booliska gobolka Nugaal ay ula wareegaan..
 
Dadka dhintay waxaa ku jira ganacsade deegaanka caan ka ahaa, Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne)  oo oo xabad wiifto ah ayay ugu tagtay xarun ganacsi oo uu ku lahaa goob ku dhow xarunta Baarlamaanka.
 
Xaaladda magaalada ayaa hadda degan iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadan oo la aaminsan yahay inay ka dhalatay khilaaf u dhexeeya xukuumadda iyo gudoomiyaha baarlamaanka.
 
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa fariin uu bartiisa facebooga ku qoray ku eedeeyay  in weerarka ay xukuumadu ka danbaysay.
 

Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand