Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, Sarreeye Guud Som Okiding oo shir jaraa’id ku qabtay Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in tiro 3,000 oo askari ay ka baxayaan Soomaaliya dhamaadka bisha September 2023.
Taliyaha ayaa sababta 3,000 ee askari Soomaaliya uga baxaan ku sheegay in ay qeyb ka tahay fulinta qorshaha qaraarka golaha ammaanka ee QM, oo dhammaadka sanadka 2024-ka soo baxay , go’aankan oo nuxurkiisu ahaa in guud ahaan ciidamada ATMIS ay Soomaaliya kaga wada baxaan sanada 2024, iyadoo masuuliyada sugidda ammaanka dalkana ay si buuxda ula wareegayaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.
AMISOM ayaa tan iyo 2014 waqtiga Golaha Amaanka ee QM uu go’aanka tirsigiisu ahaa 2182 ee (2014) ka howlgalaysay Soomaaliya, iyadoo kadib 1 April 2022, magaceedu isu badalay ATMIS, iyadoo isbadalka labada magacna ay ka muuqatay ATMIS in xooga lagu saarayo marxalada kala wareega labada ciidan, halkaas oo ugu danbeynta 2024 CXDS ay si buuxda hawlaha amaanka dalka ula wareegayaan.