Weerar sida muuqata ay xulufada Sacuudigu hogaamiyo ku qaadeen doon waday dad rayid ah oo Soomaali ah oo maraysay xeebaha Yemen waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida loo qabo la xisaabtan lagu sameeyo dagaalka Yemen oo labo jirsaday sidaas waxaa yiri hayada xaquuqul binaadanka ee Human Rights Watch.
Dhowr goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramay Marso 16, inay arkayeen diyaarad kuwo qumaatiga u kaca ah oo doonta gantaalo ku ridaysa iyadoo halkaa ku dishay ugu yaraan 32 ka mid ahaa 145 qaxooti Soomaali ah oo saarnaa doonta iyo qof rayid ah oo u dhashay Yemen.
29 kale oo ay ku jiraan 6 caruur ah ayaa ku dhaawacmay weerarka halka 10 kale wali la la'yahay. Sawiro laga qaaday doonto maalin ka dib weerarka ayaa waxaa ka muuqday dhaawac ka yimid gantaalo korka loogasoo tuuray.
Dhamaan dhinacyada ku dagaalama Yemen ayaa dafiray masuuliyada weerarka. Xooga kaliya ee leh diyaarado milatari waa kuwa Sacuudigu hogaamiyo, Xuutiyiintu ma haystaan diyaarado..
Somaliya oo taageerta isbahaysiga waxay ugu baaqday isbahaysiga inay baaraan dhacdada. Laakiin isbahaysiga ayaa marmar badan muujiyay inaysan rabin ama awoodin inay si sax ah u baaraan tacdiyada ay ku kacaan sida lagasoo xigtay Human Rights Watch.
“Duqayntan isbahaysigu kula kacay doontan waday qaxooti ka cararaya dagaalka Yemen ayaa ah kii u danbeeyay ee fal ay dhici karto inuu noqdo danbi dagaal sida ay sheegtay Sarah Wilson oo ah madaxa bariga dhexe ee Human Rights Watch..
Mid ka mid ah shaqaalaha doonta oo Yemen u dhashay ayaa Human Rights Watch u sheegay in doontu ay 50 km dhinaca xeebta u jirtay magaalada dekada leh ee Hodeida iyadoo kasii jeeday yemen markii la weeraray.
Fiidnimadii ayaa naaquudaha doonto u sheegay rakaabka saarnaa inay aamusaan maadaama ay marayeen " Meel Qatar ah" sidaas waxaa Human Rights Watch u sheegay labo qof oo doonta saarnaa.
Wax yar ka hornaa doon ayaa istaajisay doontan qaxootigu saarnaa waxaana loo sheegay inaysan safarka galin laakiin doontii safakeedii ayay sii wadatay.
Isbahaysiga Sacuudigu hogaamiyo iyo Xuutiyiinta ay dafiray inay masuul ka ahaayeen weerarka. Wakaalada rasmiga ee wararka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in xoogagoodu aysan ku lug lahayn weerarka ayna soo dhawaynayaan baaritaan calamiya oo dhacdadan lagu sameeyo.
Isbahaysiga ayaa haysta doonyo dagaal oo badda ku sugan oo waardiye ka haya cida galaysa xeebaha Hodeida halka xoogaga Huutiyiintu ay dekada haystaan.
Maraykanka oo weeraro cirkaa ku qaadayay Yemen oo lagu beegsanayay Alqaidada carabia ayaa sidoo kale dafiray inay iyagu weerarka qaadeen.
Sharuucda dagaalka ayaa waxay qorayaan in weerar si ulakac ama daxdar la'aan ah loogu qaado dad rayid ah inay tahay danbi dagaal.
Human Rights Watch ayaa diiwaan galisay 62 weeraro cirkaa oo sharcidaro ah oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka isbahaysigu oo qaarkood noqon kara danbiyo dagaal.