Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Australia iyo East Timor oo heshiis ka gaadhay arimaha xuduudka.

Australia iyo East Timor oo heshiis ka gaadhay arimaha xuduudka.

Australia's Julie Bishop and Timor Leste's Agio Pereira have signed a treaty at the United Nations defining a new maritime border between the two nations.
Australia's Julie Bishop and Timor Leste's Agio Pereira. Source: AAP

Australia iyo Timorta Bari, ayaa heshiis ku sixiixday xarunta Qaramada Midoobay ee New Yourk, kaas oo lagu soo gabagabaynayo khilaafkii mudo soo jiray ee dhanka xuduuda labada wadan.

Wasiirada Arimaha dibada Julie Bishop, iyo Ra’iisul-wasaare Kuxigeenka dalka Taymurta Bari Agio Pereira, ayaa heshiiskan wada sixiixay, kaasoo dhigaya xuduud jireena oo labada wadan ay wadaagi doonaan.

heshiiskan ayaa sidoo kale waxaa lagu qaybsaday hantida kasoo baxda khayraadka shidaalka ee ceegaaga  goobta Greeter Sunrise, kaasoo lagu qiyaasay aduun gaadhaya  56 billion.

Khayraadka qaybsigiisa ayaa sida heshiisku uu dhigayo waxaa inta badan qaadani doona   wadanka Timorta Bari.

Heshiiskan oo uu goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa lagu war galiyay sharikadihii shidaaka ee aaga Greeter Sunrise baadhitaanada ka wada in ay hakiyaan hawlgalgoodii.

Wasiirada Arimaha dibada Julie Bishop, ayaa sheegtay in " Heshiiskani uu tusayo sida xeerka aduunka u yaala uu dalalka aduunka fursad u siinayo in ay khilaafyadooda ku soo afjaraan si nabada".

Heshiiskan ayaa ooga dhigan labada wadan Australia iyo Timorta Bari, marxalad cusub oo xidhiidh wanaaga iyo darisnimo wacan, iyagoo ay sii wadayaan fulinta heshiisyada la isla gaadhay.

 

 

 


2 min read

Published

By Mohamed A Madar.



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now