Australia iyo Timorta Bari, ayaa heshiis ku sixiixday xarunta Qaramada Midoobay ee New Yourk, kaas oo lagu soo gabagabaynayo khilaafkii mudo soo jiray ee dhanka xuduuda labada wadan.
Wasiirada Arimaha dibada Julie Bishop, iyo Ra’iisul-wasaare Kuxigeenka dalka Taymurta Bari Agio Pereira, ayaa heshiiskan wada sixiixay, kaasoo dhigaya xuduud jireena oo labada wadan ay wadaagi doonaan.
heshiiskan ayaa sidoo kale waxaa lagu qaybsaday hantida kasoo baxda khayraadka shidaalka ee ceegaaga goobta Greeter Sunrise, kaasoo lagu qiyaasay aduun gaadhaya 56 billion.
Khayraadka qaybsigiisa ayaa sida heshiisku uu dhigayo waxaa inta badan qaadani doona wadanka Timorta Bari.
Heshiiskan oo uu goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa lagu war galiyay sharikadihii shidaaka ee aaga Greeter Sunrise baadhitaanada ka wada in ay hakiyaan hawlgalgoodii.
Wasiirada Arimaha dibada Julie Bishop, ayaa sheegtay in " Heshiiskani uu tusayo sida xeerka aduunka u yaala uu dalalka aduunka fursad u siinayo in ay khilaafyadooda ku soo afjaraan si nabada".
Heshiiskan ayaa ooga dhigan labada wadan Australia iyo Timorta Bari, marxalad cusub oo xidhiidh wanaaga iyo darisnimo wacan, iyagoo ay sii wadayaan fulinta heshiisyada la isla gaadhay.