Australia oo markab dagaal u dirtay Bariga Dhexe.

Australia ayaa markab dagaal u dirtay bariga dhexe, tan oo la xidhiidha xiisada colaadeed ee haatan ka dhex aloosan Maraykanka iyo Iiraan, iyada oo ay sii korodhay cabsida ah in xaaladu ay kasii dari karto, dhinac kastana ay ka dhigayso in uu tabaabushaysto.

Royal Australian Navy frigate HMAS Toowoomba is docked at Saigon port.

کشتی جنگی اچ‌ام‌ای‌اس توومبای ارتش آسترالیا Source: VNA

Dawlada Australia ayaa Bariga Dhexe u dirtay markab dagaal, kaas oo loo diyaariyay in uu difaaco markab qaada saliida oo Australia leedahay oo ku sugan gobalkaas.

Markabka HMAS Toowoomba ayaa maanta Isniinta (13/01/20), u dhaqaaqay dhanka Marinka Hurmuz, halkaas oo marin u ah maraakiibta qaada saliida, isagoo mudo lix bilooda ku sugnaan doona gobalka Bariga Dhexe.

Markabkan dagaalka ayaa gacan siini doona Markabka saliida qaada ee Australia ay leedahay oo ku sugan gobalka, iyada oo haatan ay jirto cabsi ku aadan in xaalada deganaansha la’aanta ah ee ka dhex aloosan Maraykanka iyo Iiraan in ay kasii dari karto, taas oo saameyni karta dhamaan maraakiibta aagagaas ku sugan.

Inkasta oo haatan xaalada colaadeed ee ka dhaltay dilkii Maraykanku ay ku toogteen sargaakii Iiraan Gen. Qaasim Suleymani ay dagtay, balse xiisada colaadeed ayaa ah mid wali taagan, ayna dhici karto in ay si xawliya cirka isugu shareerto, waana arinta keentay Australia in ay markabkan dagaalka in ay u dirto Marinka Hormuz, si loo amaan galiyo markabka Australia ee saliida qaada ee halkaas ku sugan.

Marinka Hurmuz ayaa Juquraafi ahaan, dhanka waqooyi waxaa ka kulaala wadanka Iiraan halka dhanka koofureed ay ka kulaalaan labada wadan Imaaraadka Carabta iyo Cuman. Sedax meelood meel ahaan dunida gaaska dabiiciga ah iyo ku dhawaad 25% wadarta guud ee isticmaalka saliida adduunka ayaa mara Marinka Hurmuz, taas oo ka dhigeysa goob istiraatiiji ah oo aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamiga ah.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand