Australia oo tarxiilaysa laba diplomaasi oo Ruusha.

Australia oo tarxiilaysa laba diplomaasi oo Ruusha.

Australia expells 2 Russian diplomats

Australia expels 2 Russian diplomats Source: SBS

Dawlada Australia ayaa ku go'aansatay in ay wadankeeda ka caydhiso labo diplomaasi oo u dhashay wadanka Ruushka. kana hawlgala safaarada Ruushka ee ku taala Australia.

Labadan diplomasi ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen qaybta sir-doonka ee safaarada Ruushka ee ku taala Australia. iyadoo labadan masuul loo qabtay mudo todobo bari ah in ay kaga baxaan wadanka Australia.

Talaabadan ay Australia wadankeeda ooga caydhinayso labada diplomaasi ee Ruushka ah, ayaa waxa ay ku  biirinaysaa wadama kor u dhaafaya 20 , oo iyaguna diplomaasiyiin kale oo Ruusha wadamadooda ka caydhinaya  , tan oo la xidhiidha  sumayntii basaaskii  Ruushka u dhashay  Sergei Skripal iyo gabadhiisa ee Britain ka dhacday..

Wadamadaas ayaa waxaa ka mida Maraykanka , Kanada iyo 14  wadan oo bahada reer Europe ka tirsan.

Maraykanka ayaa dhnkooda caydhinaya 60 diplomaasi oo ka tirsan Safaarada Ruushka iyo xubna ka tirsan Ergada Ruushka u fadhida Qaramada Midoobay.

Dhanka Ruushka, Wasaarada Arimaha Dibada ayaa talaabooyinkaas ay dalalkaas kala duwan ay qaadeen ku tilmaatay in ay tahay talaaba daandaansi ah, iyadoo wasaaradu ay sheegtay in arintaas ay  jawaab ku haboon ka bixin doonaa..

Madaxtooyada Ruushka ayaa waxa ay shgeegtay in cida arintan jawaabta ka bixin doonta uu yahay Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ee mar dhawayd dib loo soo doortay.

Dhankeeda, dawlada Britain, ayaa soo dhawaysay talaabooyinka dawladuhu ka qaateen wadanka Ruushka, kadib dhacdadii sumaynta basaaskii Ruushka u dhashay ee ka dhacday gudaha Britain.

 


Share

Published

Updated

By Mohamed A Madar.
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand