RW Malcolm Turnbull ayaa guul diblomaasiyadeed gaaray kadib markuu xaqiijiyay in Australia laga reebo amarka mamnuucida Muslimiinta ee Maraykanka uu kusoo rogay. Waxaanse wali cadayn in baarid dheeraad ah lagusoo rogo Australianka u safrayaa dalkaas.
Mr Turnbull ayaa ku dhawaaqay in muwaadiniinta Australia ee labada dhalashi haysta oo dhalashadooda labaad tahay mid ka mid ah 7 dal ee Muslimiinta ee Trump amarka kasoo saaray inaan si toos aysan u joojindoonin saraakiisha xadka ee Marayaknaku.
"Waxaan xaqiijin ka helnay aqalka cad saakay in dadka baasaboorka Australia haysta ay sidii caadiga ahaa ugu safri karaan Maraykanka" Ayuu RW u sheegay wariyayaasha ku sugan Canberra.
"Ma saamayndoonaan amarkii lasoo rogay 27 Janaayo haday haystaan dhalasho kale ama ay dal kale ku dhasheen." ayuu ku daray RW Turnbull.
Talaabadan ayaa loo arkaa asxaan gaar ah oo loo sameeyay dalal xulufo la ah Maraykanka sida UK, Canada iyo New Zealand waxayna imanaysaa iyadoo saraakiisha Australia ee ku sugan Washington iyo wasiirada arimaha dibada ay dadaalo ka wadeen arintan.
Waxaa kaloo muhiim ahayd in dhamaan madaxda Uk, Canada iyo New Zealand ay dhaliileen mamnuucida muslimiinta ee Mr Trump sidaas oo ay tahay laga daayay sharciga mamnuucidaa.
Dhanka kalana RW ayaa lagu dhaliilay inuusan canbaarayn amarkan mamnuucaya muslimiinta sida ay u dhaliileen madax badan oo aduunka ka tirsan.
Dawlada Turnbull ayaa sidoo kale xaqiijisay in Mr trump taageerayo heshiiskii dibudejin lagu siin lahaa qaxootiga ku sugan Nauru iyo Manus Island.
