Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Autralia Peter Dutton ayaa qiray inay jiraan fashilaad ku timid nidaamka ilaalinta Australia, taas oo keentay in maalintii Axada ahayd, doon siday tahriibayaal in ay gaarto xeebta waqooyiga Queensland.
Sida wararku sheegayaan, 15 qof oo ajaaniba ayaa la qabtay iyadoo saraakiisha ilaalada xuduudkuna ay ku daba jraan kuwa kale oo doon kaluumaysi oo ay wateen ay ka qalibantay, kana baxsaday goobihii.
Mr Dutton, oo isagu si xoogle oogu faani jiray awooda xukuumada ee dhanka istaajinta doomaha tahriibka, ayaa waxa uu sheegay in uu jiro wax ka khaldamay dhanka ilaalada, isagoo sheegay in arintaas ay si adag dabgal oogu samayni doonaan.
Dutton, ayaa sheegay dhinacyada wax tahriibiya in ayna wali hawshoodii ka hadhin, isagoo intaas ku daray in ay joogaan haatan wadanka Indonesia dad gaadhaya 14,000, oo doonaya in ay dooma tahriiba Australia kusoo galaan.
Xukuumada uu hogaaminayay ra’iisulwasaarihii hore ee jagada la qaaday Malcolm Turnbull, ayaa iyadu ku guulasatay in ay si adag u joojisay dadkii doomaha tahriibka ah wadanka ku imaanayay.
Dadka qaabkan tahriika ah kusoo gala wadanka Australia, ayaa waxaa la geeyaa Nauru and Manus Island, iyadoo dhinacyada xuquuqul-aadamaha u dooda ay cabashooyin badan ka keeneen xaalada dadka dawlada Australia ay Jasiiradhaas ay gaysay.